Suuriya Oo Sii Daysay Nin Lagu Maransan Yahay Shaqadiisa Oo Maraykan Ah Sadex Sano Kadib

Suuriya(Slpost)-Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegaysa in dowladda Suuriya ay siidaysay muwaadin Mareykan ah oo la qabtay lana xiray isagoo galaya dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la aqoonsaday oo la yiraa Kevin Patrick Dawes.

Mr Dawes ayaa la waayay kaddib markii uu Suuriya ka galay Turkiga sanaddii 2012.

Wararka qaar ayaa ninkaasi ku tilmaamaya inuu ahaa sawir qaade madax bannaan, kuwa kale ayaa waxa ay leeyihiin waa qof sodcaalka jecel, kuwa saddexaadna waxa ay leeyihiin waxa uu ahaa dagaalyahan iskii socod ah oo xitaa mar hubka la qaaday maleeshiyaadka Liibiya.

Afhayeenka wasaaradda Mark Turner ayaanan xaqiijin huwiyadda qofka arrimo la xiriira xogtiisa shakhsiyadeed, hasayeeshee waxa uu ku tilmaamay qof xabsi ku jiray oo aan la afduuban, waxa uuna sheegay in uu rumaysan yahay in lagu sii daayay gudaha magaalada Dimishiq.

 

Saraakiisha Jamhuuriyadda Czech, oo wakiil ka ah danaha diblumaasiyadda Mareykanka ee Suuriya, ayaa gacan ka gaysatay xaqiijinta sii daynta ninkaasi, Mr Turner ayaa sheegay in sidoo kale Ruushku uu dowr ku lahaa sii dayntiisa.

Waxa uu sheegay in Washington ay weli isku dayayso sidii ay xog uga heli laheyd badqabka iyo halka ay ku sugan yihiin weriye Mareykan ah oo lagu magacaabo Austin Tice iyo tira aan la garanayn oo kale oo u dhalatay Mareykanka laguna la’yahay gudaha waddanka Suuriya.