Suuriya Oo Golaha Amaanka Uga Dacwootay Duqaymaha Turkigu Uu Ku Wado Dalkooda

Suuriya(SLpost)-Dawladda Suuriya ayaa cambaaraysay weerarada millitariga Turkigu ay ku hayaan dagaalyahanada Kurdiyiinta ah ee ku sugan waqooyiga Suuriya waxayna ku tilmaameen meel ka dhac lagu sameeyay madaxbanaanidooda.

madaafiicda-turkiga

 Waxay ku baaqeen in Gollaha Ammaanku uu talaabo qaado,Turkiga ayaa axadii duqaymo maalintii labaad ah qaaday isaga oo baacsaday xoogagg kurdiyiinta ah ee ku sii siqaya Waqooyiga deegaanka Xalab. Xukuumadda Ankara ayaa malayshiyaadka kurdiyiinta ah ee Suuriya u aragta kuwo iskaashi la leh ururuka la mamnuucay ee PKK, kaas oo mudo dheer ol’ole ugu jira sidii madaxbanaani uga heli lahaayeen Turkiga.

Laakiin Maraykanka iyo dalal kale ayaa taageera Malayshiyada YPG ee Kurdiyiinta ah ee Suuriya kuwaas oo dagaal kula jira kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Suuriya ayaa Turkiga ku eedaysay in ay meel uga dhacayaan madaxbanaanidooda iyaga oo taageeraya ururo lala xidhiidhiyay argagixiso isla markaasna ay xaq u leeyihiin in ay jawaab ka bixiyaan.

Waraaq ay Suuriya u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Golaha Ammaanka ayay ku sheegtay in Turkigu ay sii wadaan duqaymaha ka wadaan gudaha Suuriya ayna taageero toos ah u tahay ururada argagixisada ah.

Warqadaasi waxaa kale oo ay Turkiga ku eedaysay in ay u ogolaadeen gudaha Suuriya in ay galaan boqol qof oo hubaysan oo ciidammada Turkiga ah ama dad iyaga la shaqaynaya ah.

Suuriya waxay sheegtay in ay ka jawaabi doonto dambiyada ay Turkigu galayaan ayna dalban doonaan magdhawga dambiyada ka dhashay dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sidoo kale ku baaqay in Turkigu ay joojiyaan gulufka ay ku hayaan ciidammada Kurdiyiinta ah ee waqooyiga Suuriya ku sugan.