Suuriya oo codsatay macallin Mourinho

Uk(Slpost)-Tababarihii hore ee kooxda Chelsea, Jose Mourinho, ayaa diiday inuu macallin u noqdo xulka qaranka Suuriya, sida uu sheegay wakiilkiisa.

mourihon

Jorge Mendes ayaa warqad uu u diray wakaalada wararka ee Associated Press ku sheegay in Mourinho laga codsaday inuu layliyo xulka Suuriya, balse uu ku jawaabay, “aad baan uga maqsuuday in aad martiqaad ii fidisaan, balse hadda ma aqbali karo”.

Bortaqiiskan 53 jirka ah ayaa mar labaad laga eryay kooxda Chelsea bishii December ee lasoo dhaafay.

Mourinho, oo horay usoo tababaray kooxaha Porto, Real Madrid iyo Inter Milan, ayaa hadda lala xiriirinayaa kooxda Manchester United.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa lagu soo warramay in la arkay Mourinho oo guri ka day-dayanaya deegaanka Cheshire ka dib markii ay wakiilo ka socda wadahadal la yeesheen kooxda Man United.