SUURIYA: Isku-dhicii ugu weynaa ee Mucaaradka iyo Ciidanka Dawladda oo ka Dhacay Caasimadda Dimishiq

Dimishiq, 19 March, 2012 (SLpost)- Magaalada  Dimishiq  ee xarunta  u ah  wadanka Suuriya waxa ka dhacay iska horimaadkii ugu  adkaa  ee dhex mara xoogaga  ciidamada xorta ah  ee Suuriya  iyo kuwa  u daacadda ah  madaxweyne  Bashaar  Al-Asad.

Dagaalada oo qarxay  saaka  waabarigii ayaa socday muddo saddex saacadood ah,  waxaana  lagu  tilmaamay kuwii ugu  xumaa  ee soo mara xarunta  waddankaasi muddadii sannadka  ahayd ee uu dalkaasi ka   socday kacdoonka  isbedle  doonka ah  ee looga  soo  horjeedo xukunka  madaxweyne  Asad.

Xudunta  dagaalkaasi ayaa ahayd  degmada  Al-mezze halkaasi oo ay  ku yaalaan  dhismayaal  dhawr ah oo ay leeyihiin xoogaga  amaanka.

Television-ka  xukuumadda ayaa sheegay saddex ruux oo uu ku tilmamaay argagixiso  iyo tiro  ciidamo dawladda ahi inay ku dhinteen dagaalkaasi.

Geesta kale,  koox khubaro ah  oo ka kooban 5 ruux, ayaa  gaadhay magaalada  Oimishiq , kuwasi  oo uu diray ergeyga   qaramada midowbday   iyo jaamacadda  carabta u qaabilsan  arrimaha wadanka  Suuriya,  kooxdan khubarada ah  ayay kala hadli doona  saraakiisha  Suuriya xabad  joojin  sidii loo gaadhi lahaa qorshe  kormeer.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net