Suuqii Ay Wada Maamuli Jireen Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya Oo Lagu kala Dareeray Kadib Saansaan Colaadeed

Hargeysa(SLpost)-Shirkadaha laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya ayaa waxa ay billaabeen in ay shaqaalaha iyo qalabkooda kala baxaan xarunta wershadda Kaesang ee ku taala gudaha Woqooyiga Kuuriya oo ay labadani waddan si wada jir ah u maamulaan.

Shalay oo arbaca ahayd ayaa xukumadda Seoul waxa ay shaacisay in ay hakinayso hawlaha wershadda Kaesong kaddib markii Woqooyiga ay dhawaan tijaabisay hubkeeda Niyuukleerka iyo gantaalada riddada dheer.

Qaar ka mid ah maareeyeyaasha shirkadaha ee koonfurta u dhashay ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen in ay la fajaceen sida deg degga ah ee ganacsigoodu uu u hakaday.

Wershaddaasi ayaa Woqooyi Kuuriya waxa ay u tahay il muhiim ah oo dhaqaale uu ka soo galo dalkaasi, dhaqaalahaasi oo xukumadda Seoul ay sheegeyso in lagu maalgeliyo barnaamijka Niyuukleerka Woqooyiga Kuuriya.

Arrintani ayaa ku soo beegmeyso xilli aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka uu si aqlabiyad ah isugu raacay hindise sharciyeed qabyo qoraal ah oo xayiraado dheeri ah lagu saarayo Woqooyiga Kuuriya.