Suldaan Taageero Buuxda u Muujiyay Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee beesha Magaadle Suldaan Yuusuf Cabdiraxmaan ayaa sheegay in isaga iyo beeshiisuba ay si buuxda u taageersan yihiin Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka hayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE.Suldaan

Suldaan Cabdiraxmaan Yuusuf waxa uu xukuumada xisbiga KULMIYE ku amaanay waxqabadka ballaadhan ee ay dalka ka fulisay muddadiiay xilka haysay, waxaanu si gaar ah ugu amaanay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dhismaha wadada isku xidha gobolada Sanaag iyo Todheer.

Suldaanka guud ee beesha Magaadle Suldaan Yuusuf Cabdiraxmaan waxa uu sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, bayaankaasina waxa uu u dhignaa sidan “Aniga oo ah Suldaanka guud ee beesha Magaadle, waxaan caddaynayaa beeshayda Magaadle inay taageersan tahay xisbiga Kulmiye iyo dawlada, waxaanu ku taageernay waxqabadka ballaadhan ee uu qabtay Madaxweynaha Somalialnd,  siiba wadada Sanaag ee uu Ingiriiskii wax ka qaban waayay iyo dawladihii kala danbeeyay ee ka horeeyay ay wax ka qaban waayeen ee ay ilaa dawladii faqashtu wax ba ka qaban waayeen, taas oo uu u badheedhay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sidaa laajligeed baan ku taageernay iyo madaarada, wadooyinka, guryihii qaranka, taasaanan ku taageernay hadaanu nahay beesha Magaadle, codkagayagana waanu siinaynaa mar walba, waxaanu leenahay cid kasta oo reer Somaliland ah  oo masuula wuxu qabtay waa la arkayaa, mid hore ma qaban, mid danbena ma qabanayo, ciidamada qaranka sidaa tayada ugu sameeyay ee uu horumarka u gaadhsiiyay darajooyinkana ugu taxay.

Lacagtii giinbaarka ahayd ee Siyaad Bare ee ay badali waayeen kuwii hore ayuu isagoon lix bilood haysan kaga saaray wadanka. Dalka waxbarashadiisuna kor u soo qaaday anaga waxan ku talin lahaa in shanta sanno ee danbe la doorto, waxa kale oo aan hambalyaynayaa  wasiiradiisa sida, wasiirka arrimaha gudaha, madaxtooyada, wasiirka maaliyada, wasiirka duulista iyo cirka, wasiirka hawlaha guud, wasiirada oodhan kuli goodba waxqabad aad iyo aad u balaadhan ayay qabateen ILLAAHAY kor ha idiin soo qaado”

Somalilandpost.net