Suldaanka Subeer-Awal Oo Ansixiyey Guddidii Qaban-qaabada Shirka Sacad-muuse, Tiradoodana Kordhiyey

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal, ahna Suldaanka guud ee Sacad Muuse, ayaa kala diray Guddidii Khilaaf-saarka shirka Beesha Sacad-muuse, waxaanu waxba kama jiraan ka dhigay guddi qaban-qaabo oo shirkaasi loo Magacaabay isla-markaana lid ku ah guddidii hore u jirtay.

Suldaanka guud ee Sacad Muuse Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Madax-dhaqameed uu ka mid ah yahay Ugaaska guud ee beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahim Axmed Jilba-dhige oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa cambaareeyay guddi qaban-qaabo oo ay sheegeen in dad doonaya inaan shirka Sacad-muuse qabsoomin ay Magacaabeen toddobaadkan, waxayna  ugu baaqeen inay Salaadiin beesha qaarkood ay hagar-daamada ka daayaan qabsoomida shirka beesha, isla-markaana dadkooda dhinaca ka raacaan.

Suldaan XasanShirka jaraa’id, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) oo ka mid guddida qaban-qaabada shirka Sacad Muuse, waxaanu yidhi isaga oo faahfaahinaya ujeedada shirkooda jaraa’id, “Shirka Beel-weynta Sacad Muuse wuxuu inta badan hakad kaga imanayaa Ardaayada Sacad Muuse Salaadiin ka mid ah, kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa  guddi cusub oo ay leeyihiin wuxuu hogaaminayaa shirka Sacad ay doraad kaga dhawaaqeen Magaalada Hargeysa, ka dib markii aanu ka soo noqonay sahan Suldaanka Guud, guddida qabanqaabada iyo cuqaasha badhkood aanu ku tagnay halka uu ka dhacayo shirki ee Agabar, soona sahaminay halkii ugu dambaysay, hawshuna ay imika ka socoto.”

Digtoorku waxa uu tilmaamay meelo badan oo faro-galin ku haya qabsoomida shirka Sacad-Muuse, “Waanu ognahay meelo faro badan ay faro kaga jiraan shirkan, waanu ognahay in dano faro badan ay dadka qaarkii kaga jiraan qabsoomida shirka, beeshana waxa ka go’an in shirkaasi dhaco, cid is hor-taagi kartaana ma jirto, Waxaanu uga digaynaa dad faro badan iyo meelaha kale oo ay xukuumadduna ku jirto in faro galinta la joojiyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, “Guddigii uu sameeyay Suldaanka guud, ayaa u yeedhay guddiga khilaaf-saarka la baxday, waxaanu ku yidhi shirka hagaajiya, anaga, Salaadiinta iyo guddida qabanqaabada haddii ay wax jiraan dhex galla ayuu arinku ahaa, laakiin dariiq kale ayay qaadeen, markiiba guddi kale ayay ku dhawaaqeen oo meel laga keenay aanay jirin, markii laga heshiiyey arimihii ee ay anaga iyo Salaadiintaba u yimaadeen, ee aanu kalsoonidii siinay, waxay nagu yidhaahdeen waanu dhaaranay inaanaan shirkaasi mooyee aanaan meel kale qabanin, haddana saddex cisho markii ay naga maqnaayeen ayaanu maqalnay guddi Magaalada laga soo ururiyey ayay la shirayaan, laakiin halkan waxa fadhiya cuqaal badan oo aan ogeyn guddidaasi halka ay ka yimaadeen, waxaana fadhiya qaar ka mid ah guddidaa ay Magacaabeen qaar ka mid ah.”

Yuusuf Kirix Cawad oo ka mid ah odayaasha Beesha Sacad-muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Shirka Sacad-Muuse ee inta badan la hoosaasiyey maalintii loogu tallo-galay wuu dhacayaa xagga ILAAHAY oo ay ka noqon waydo mooyaane, inta ku maxaabsata kala maqnaanshaha Sacad-muuse ee maalinta gacmaha la is qabsado ka cabsanaya Busaarad waxaanu leenahay waxay idiinku badinaysaa wada-jirka tolkiin ee ka kaalaya kolba meesha yar ee aan wax aan la gayin la idiinku tuurayo.”

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirka Sacad-muuse Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac ee mudada shanta bilood ka shaqeynayey qabsoomida shirkaasi isla-markaana laga deba-magacaabay guddi qaban-qaabo, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi, “Maalmahan Jaraa’idka ayaan Magacayga ku arkayey oo la leeyahay guddi ayuu ku jiraa, ciddaa qoreysa ismaanaan arag, telefoon maan siin, ogolaansho maan siinin, saaka (shalay) Sucuudiga ayaa la igala soo hadlay waxaana la igu yidhi Tv-ga Liis laga xaadirinayey adiga ayuunbaa ku jiray, guddidii (Guddidii qabanqaabada shirka Sacad-Muuse) ma xaggan ayay isku rogtay, waxba kama jiraan ayaan ku idhi oo guddidu waa teedii hore uun.”

Guddoomiye Cabdiqaadir waxa kale oo uu sheegay, “Salaadiin badan-baa la sameeyay, salaadiinta la sameeyay waa Jilibo hoose, markay la joogaana iyagaa guddoominaya (Beelaha) waynuna ku ixtiraamaynaa, laakiin waxaan ku baraarujinayaa Suldaan guud-baa jira, waxaanuna leenahay guddoonka Sacad Muuse waxa leh Suldaanka guud, waxa kale oo aanu leenahay Saldanada guud haloo hogaansamo, shirkuna sidii loogu tallo-galay ayuu u dhacayaa, guddida qabanqaabaduna waa sidii hore, aniguna tii hore ayuunbaa guddoomiye u ahay, wixii kalena waa Macmaal,” ayuu yidhi.

Caaqil Sacad Cali Cismaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Sacad-muuse, ayaa isaguna si gaar ah farta ugu fiiqay Suldaanka beeshooda oo uu sheegay inuu ka mid ah shakhsiyaadka ka soo horjeeda qabsoomida shirka Beesha Sacad Muuse, waxaanu ku hanjabay inay xasaanada ka qaadi doonaan “Ninka isugu is magacaabay ee aan weli laba jirsan ee beeshiisu aanay soo caleemo saarin ee maanta ku daban-daabyoonaya Suldaanka waanu ridaynaa, amba ku kale ayaanu samaynaynaa,”ayuu yidhi.

Ugaas Ibraahim Axmed (Jilba-dhige) oo ah Ugaaska dhigay gogosha shirka Sacad Muuse ee loo asteeyay inu Agabar ka dhaco bisha Augost 17-keeda ka dhaco, ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay weedho garnaqsi ah, waxaanu yidhi,  “Guddida Shirka Sacad Muuse ee shanta bilood shaqeynayey ee kuwa maanta la ururinayo la leeyahay waa lagu bedalayaana wuu mahadsan yahay, waana lama taabtaan, waanu hirgalay. Suldaanku si la isku raaco ayuu shirka dib ugu dhigay oo idinka ayaa sababteeda lahaa, haddana wax dambe ayaad ka deba keenteen, aniga oo Agabar ka soo jeeda ayaa gogoshii idiin dhigay oo beeshii Sacad-muuse”

Ugaasku waxa kale oo uu soo qaaday “Anigu ma markii aan wanaag idiin hor-kacay ee aan gogasha dhigay ayaan nin xun noqday, waxaan leeyahay weli idin-maanaan nicin haddana oo waanu idin dhowraynaa, waxaanan leeyahay waar gogoshii aan idiin dhigay way idiin taalaa soo raaca dadka oo kaalaya hogaamiyaha shirka Hoodaale”ayuu yidhi

Suldaanka guud ee Habar-awal, ahna Suldaanka guud ee Sacad Muuse Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaah Suldaan Cabdiraxmaan, oo isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ka xumahay arinka maanta (shalay) halkan isugu keen keenay oo aan warbaahinta uu kaga war helay, aniga oo aas ka qayb-galay ayaan maqlay salaadiintii dhaqanka ayaa  shir-jaraa’id qabanaya oo guddi cusub ku dhawaaqaya, aad-baan uga xumahay in wixii gudaheena ahaa warbaahinta la galiyo, reerkuna guddida qabanqaabada wuu yaqaanaa oo Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac-baa hor fadhiista, waxay ahayd ciddii guddidaa wax ka tirsanaysaa inay I soo gaadhsiiyaan, waxa I soo gaadhayna waa wax sahaalo ah oo la maareyn karayo, markaa maan garan sababta warbaahinta loo galiyey arintii guddida qaban-qaabada iyo liisaska lagu soo darayo.”

Suldaan Xasan, waxa  kale oo uu sheegay, “Maanta oo ay taariikhdu 2-da Jully (Shalay) guddidii qabanqaabada ee ahayd 39-ka, waxaan ka dhigay 45 xubnood, waxaan 20kii  bisha Magacaabay guddida khilaaf-saarka, laga bilaabo maanta (shalay) shaqadoodii way dhamaatay waanan u mahad-celinayaa, guddida kaliya ee jirayaana waa guddida qaban-qaabada,”ayuu yidhi.

Shirkan oo ay ka hadleen 13  chief caaqil, ayaa waxa lagu ayiday goobta shirkaasi ka dhacayo, sidoo kalena waxa lagu dhaliilay dhaliilay hab-dhaqanka salaadiinta Sacad-muuse qaarkood. Shirku waxa uu codsaday in xukuumaddu faraha kala baxdo qabsoomida shirka Hoodaale ee Sacad-Muuse.

SOMALILANDPOST.NET