Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo si weyn Loogu soo Dhoweeyey Gobolka Gabiley, Taageero Buuxdana u muujiyey Shirweynaha Beelaha Sacad Muuse

Gabiley (SLpost)- Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa soo dhaweyn diirran kala kulmay shacabka magaalooyinka, Wajaale, Kalabaydh iyo Gebilay oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gebilay, kadib markii maanta uu ka soo noqday safar uu ku tagay wadanka Ethiopia.

Shacabka gobolka Gebiley oo aan u kala hadhin, madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin, xildhibaanno, waxgarad, dhalinyaro iyo haween, ayaa suldaanka kaga hortegay duleedka galbeed ee magaalo-xuduudeedda Wajaale.

Suldaanka oo ay galbinayaan boqollaal qof oo watay baabuur tiro badan, ayaa degmada Wajaale uga sii gudbay dhinaca magaalada Gabiley, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiinta dawladda iyo dadweynaha magaaladaas oo aan u kala hadhin qaabilaadda Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal.

“Si weyn baan idiinka mahad celinayaa, taariikhda ayay ku qormaysaa maanta, maanta waa maalin taariikhiya, IlLAAHAY ha idinka abaal mariyo baan idin leeyahay dhamaanba shacbi weynaha gobolka Gebilay iyo gudigii qaban-qaabada shirka Sacad Muuse ee howsha waday ee maanta iyaga laftigoodu, Hargeysa iska soo abaabulay,” ayuu Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ku yidhi dadkii tirada badnaa ee soo dhawaynta ka qayb galay oo uu meel fagaare ah kala hadlay.


Suldaanku waxa kale oo uu caddeeyey inuu si buuxda u taageersan yahay shir-weynaha Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo deegaanka Geed-deeble ee duleedka Caasimada Hargeysa, , kaas oo qaban qaabadiisa laga dareemayo dhamaan deegaanada beesha, waxaannu shirkaas uu u rejeeyey inay ka soo baxaan go’aamo guul u noqdo guud ahaan dalka Somaliland.

suldaan-xasan

Dhinaca kale, Suldaan Xasan  wuxuu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay xoogga saaraan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida waddanka inta lagu gudo-jiro diyaargarowga iyo dabbaaldegga xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ku beegsan Sabtida soo socota.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa xaalad caafimaad ugu maqnaa wadanka Itoobiya, gaar ahaana magaaladaDiridhaba, ka hor intii aanu maanta dalka dib ugu soo noqon.

SOMALILANDPOST.NET