Suldaanka Guud e Subeer Awdal Oo Shacbiga iyo Golaha Wakiiladaba Ku Hanbalyeeyay Sida Ay Uga Horyimaadeen Kiraynta Haamaha Shidaalka

 

Hargyesa(SLpost)-Suldaanka guud ee Subeer Awdal Suldana Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa golaha wakiilada iyo shacbiga ku hanbalyeeyay sida dhiiran ee ay uga horyimaadeen kiraynta haamaha shidaalka.

sida oo kale waxa uu suldaan dhaliilo xoogan u soo jeediyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid boobaysa hantidii umadda, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Baryahanba waxa jiray qorshe hanti boob ah oo lagu soo duulay waxii dadka ka dhaxeeyay oo ay ka mid yihiin haamaha shidaalka Berbera oo xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo ay gadhwadeenka ka hayd, waxynu la soconaa inshacbigu meelkasta oo uu joogo uu aad uga qayliyay in halkii hantida dadka ka dhaxaysay wax lagu soo kordhin lahaa in boobo loola yimaado. waxaanu isugukiin yeedhnay in shacabiga aanu u mahadcelino sida ay dareenkooda arintaas u muujiyeen ay xukuumadan xaraashi ku soo hunguraysay adeeyadii aasaasiga ahaa, shidaalku nolasheena oo dhan ayuu raad ku leeyahay oo waa awooda aynu ku dhaqaaqno hada, waxaanay xukuumaddu damacday inay shaqsiyaad kooban gacanta ka galiso, waxaanu ku hanbalyaynaynaa golaha wakiilada go’aanka geesinimada leh ee ay ka qaateen haamaha shidaalka.”