Suldaan Xiiray oo Xukuumadda ugu Hanjabay in uu Sheegi Doono Siro uu ka Hayo

Hargeysa(SLpost) – Suldaan Yuusuf Xiiray, oo ka mid ah salaadiinta Somaliland, ayaa xukumadda ugu hanjabay inuu sheegi doono siro uu ka hayo xukumadda Siilaanyo, kuwaasi oo ku saabsan kulan qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland la yeelatay Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa. Suldaanka ayaa hadalkaasi ka sheegay munaasibad maanta lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee Hargeysa.

Wuxuu sheegay in doodiisii ahayd in haddii Somaliland iyo Somalia wada hadlayaan wada hadalka laga qayb galiyo salaadiinta iyo haldoorka kale ee bulshada ay xukumaddu bedeshay, taas bedelkeeda haddii xukumaddu faraha dhigi waydana uu sheegi doono Siro.

Waxa uu hadalkiisu u muuqdaa in xukumaddu wax ka ogayd wada hadalka Salaadiinta iyo Qunsuliyadda Turkiga balse markii dambe ay iska bari yeeshay.

Suldaan Xiiray ayaa xilli uu ku dooday in Salaadiinta lagu daro wada hadalka waxaa soo baxay qorshe ah in Turkigu wada hadalka u bedelay madax-dhaqameedka, taas oo Suldaan Xiiray mucaaradad badan oo xukumadda iyo bulshada dhexdeeda ahba ku kicisay, islamarkaana lagu eedeeyay inuu Xamar doonayo.

https://youtu.be/uP8Wu2BzRRE