Suldaan Xasan oo talooyin is-barkan u jeediyey Madaxweynaha iyo Golaha Guurtida

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Guddiga Doorashooyinku ku cayimeen wakhtiga doorashada Salaasadii dorraad oo ay u muddeeyeen 1-da bisha June ee sannadka 2016-ka.

Suldaan Xasan waxa uu sheegay in guddiga Doorashooyinka guteen waajibaadkii qaran ee ka saarnaa Arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan muddeynta xilliga doorashadu qabsoomayso, go’aankaas oo uu sheegay inuu meesha ka saaray khilaafkii siyaasadeed ee jiray, waxaanu dhinacyada ay khusayso ugu baaqay in laga hortago isla markaana layska ilaaliyo tallaabo kasta oo carqalad ku noqon karta go’aanka Guddiga doorashooyinka.

suldan xasan suldanSuldaanku waxa uu talooyin u jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Golaha Guurtida, Madaxda Dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland, isaga oo soo qaatay dhinac kasta waajibaadka looga baahan yahay in lagu ilaaliyo geeddi-socodka diyaar-garowga doorashada, waxaanu soo jeediyey si looga hortago caqabad ku timaadda doorashooyinka in muddo-kordhin xukuumadda lagu sar-gooyo muddada halka sanno ee doorashooyinka ka hadhsan.

“Marka hore Illaahaybaa mahad leh idaylkeed, marka xiga guddiga doorashooyinka Somaliland oo gutay waajibaadkooda loo igmaday ee asteeyay xilliga doorashada soona saaray jadwalka rasmiga ah ee sharcigu siiyay baan u mahad celinaynaa maadama aanay cid kale la wadaagin maamulidda iyo asteynta xilliga doorashada. Waxa kale oon uga mahad-celinayaa siday uga hawl galeen talo-bixintii 19 bisha oo ahayd war laga sugaayay in badan,” waxa uu Suldaanku sidaas ku sheegay Qoraal uu arrimahan kaga hadlay oo warbaahinta la soo gaadhsiiyey.

Mar uu Suldaanku la hadlayey madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu qoraalkiisa ku yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inuu u gudbiyo Jadwalka Komishanku usoo gudbiyay kuna adkeeyo maadama aynu ka fogaanayno khalkhal iyo khilaaf dalka ku yimaadda inuu raali buuxda ku yahay dhankiisa jadwalkan oo axsaabtuba raalli ku noqdeen dhammaana soo dhaweeyen duruuftan inay guurtidu ku jaan-goyso wakhtiga loo asteeyay kordhinta mudda-xileedka xukuumadda muddo hal sano ah oo doorashadu ku dhacayso, oo aad si cad ugu qeexdaa si aan guurtidu u qardo-jeexin adigoo tixgalinaya degganaanshiyaha dalka iyo qaranka.”

Suldaanku waxa uu la hadlay Golaha Guurtida, waxaanu yidhi, “Golaha Guurtida maadama oo khilaafkii daarnaa dhawaaqa komishanku inaga damiyay waa inaydaan daarin muran danbe maadama oo ay khusayso oo kaliya muddo kordhintu guurtida, mar haddii ciddii u xilsaarayd doorashadu jadwalkii dhigeen laguna raacay waa inaad dabbaqdaan oo tix-raacdaan muddada halka sanno ah ee farsamo ahaan loo qorsheyay.”

“Golaha guurtida oo ah gole dastuuriya qaabilsanna dhaqanka, nabad gelyada, siyaasadda oo wali ku fadhiya nidaamkii saxeexii beelaha oo guud ahaan raggii hore loogu xulay dhowr xildhibaan ka nool yihiin, intiina kalena aad ku timaaddeen jagooyinkii bannaanaaday, waxa umaddu eegaysaa sida aad yeeshan waana la idinkula xisaabtamayaa, ha u daymo la’aanina, ogaada talaabadaad qaadaysaan in xisaabi daba taal,” ayuu u soo jeediyey Golaha Guurtida.

Suldaan oo la hadlayey Madax-dhaqameedka iyo Guud ahaan Shacabka dalka, waxa uu yidhi, “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo debadba waxaan ugu baaqayaa in lasoo dhaweeyo mar haddii Eebbe inaga saaray khilaafkii soo jiray in muddo ahba loona wada guntado in sidaa lagu wada hawlgalo ciddii xagal-daac ku keentana aynu meel uga soo wada jeesanaa.

Madax dhaqameedka dalku waa inay shiishka ku hayaan ciddii wax yeelo ku keenaysa xasiloonnida dalka.” Sidaas ayuu Suldaanku ku yidhi qoraalkiisa uu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka.

Somalilandpost.net