Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo si Adag uga hadlay Khilaaf garabyo iska soo horjeeda u qaybiyey Golaha Deegaanka Hargeysa

Suldaan Maxamed oo xildhibaannada Golaha Deegaanka uga digay Isku-day ay Xilka kaga xayuubiyaan Maayarka HargeysaHargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si adag uga hadlay khilaaf hore leh oo ka dhex-curtay Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa, kaas oo laba garab oo dhinac maayarka Caasimadda iyo ku-xigeenkiisa taageersan yahay, halka garabka kale ay ka soo horjeedaan qaabka uu maayarku u wado geeddi-socodka hawl-maalmeedka Golaha.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu mudaneyaasha Golaha deegaanka ugu baaqay inaanu khilaafkoodu soo dhaafin Golahooda Deegaanka, isla markaana aanay danahooda gaar ahaaneed kaga mashquulin masuuliyadda wax-qabad ee Shacabku u doortay.

HALKAN KA DAAWO SULDAANKA OO KA HADLAYA

Khilaafka ka dhex-aloosan Golaha deegaanka ee Hargeysa oo muddooyinkii u dambeeyey laga dareemayey xayn-daabka maamul ee Golaha deegaanka iyo is-xulafaysi xildhibaannadu bilaabeen, ayaa soo ifbaxay ka dib markii wasiirka Arrimaha guduhu kulan-doceedyo la yeeshay xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka oo ka kooban garabka maayarka ku kacsan laba maalmood ka hor intii aanu furmin kalfadhiga 8aad ee Golaha oo maalintii Khamiistii ka furmay xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa.

Khilaafkan waxa uu si rasmi ah uga dhex-qarxay kalfadhiga 8aad, ka dib markii laysku af-garan waayey ajandaha Kalfadhiga, iyada oo xildhibaannada Maayar Soltelco ku kacsan fadhiga horkeeneen mooshinno wax lagaga beddelayo nidaam-hawleedka Golaha deegaanka, iyada oo maayarkuna soo dhigay Ajande qaabka loo fulinayo ay ku kala aragti duwanaadeen garabka xildhibaannada xornimo-doonka ah ee maayarka ka soo horjeedda.

Xildhibaanadani ka tirsan Golaha Deegaanka oo ay ka mid yihiin Xasan Shahar, Cismaan Waxar iyo Saleebaan Dogox oo ka tirsan garabka ka soo horjeeda maayarka, ayaa Cabdiraxmaan Caydiid ku eedeeyey wax-is-daba marin iyo ku-tagri-fal awoodeed oo aanu la wadaagin mudaneyaasha xilka u doortay.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net