Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqadir Oo ka Digay Khatar ka iman karta Mudaharaad ay ku baaqeen ururrada Hadhay, Talo waayel-na u soo jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa  Ururadda Siyaasadda ee ku hadhey  qiimeyntii  Guddida  Diiwaangelinta Ururadda  Siyaasadda  u soo jeediyey inay joojiyaan  Mudaharaadka ay ku baaqeen oo uu tilmaamay in uu wax weyn u dhimi karo Nabadgelyadda  ay Somaliland ku  naalooneysay labaatankii Sanno ee u danbeeyey.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  waxa kale oo uu ugu baaqay Ururadda Cabashada ka muujiyey go’aankii Guddida  Diiwaangelintu  ku  kala  reebeen  shan iyo tobankii  Urur  Siyaasadeed  ee isu Diiwaangeliyey  in ay  Cabashadooda u maraan  Sharciga  iyo Xeerarka  dalka u yaalla, isla markaana ay ka feejignaadaan waxa kasta oo Nabadgelyadda wax u dhimaya.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  oo qaar ka mid ah Warbaahinta  u waramayey  waxa uu sidoo kale  ka digey  Mudaharaadka ay ku baaqeen  qaar ka mid ah Ururadda Siyaasadda ee hadhey, waxaanu u soo jeediyey shacabka reer Somaliland inay ilaashadaan Nabadgelyadda ay ku caano maaleen.

Suldaanka Guud oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi,  “Waxa aan ka hadlayaa arrintan Asxaabta, waxa aad  moodaa in uu burbur ka soo bixi karo arrimaha ay ka dhawaajiyeen  ee  Asxaabtan meesha ka baxdey  dhibaatooyin  fara  badana ay  keeni  karto  oo  ay inaga noqoto  Mushkiladaa  Xamar  ka  dhacdey  inay Somaliland  maanta  ku  danbayso. Waxa aan Asxaabta kula  talin  lahaa  Sharciyadda  ayaa  u  furan inay Mudaharaadkaas  oo  aan  dadkooda  iyo  dadkooda  u wanaagsaneyn  ee  u horseedi  kara dhibaatadda ay arrintooda  Maxkamadda ka furtaan inay  dacwadooda u gudbin  karaan  Komishanka, markaas waxa aan ka baryayaa asxaabtaas Mudaharaadka ballanqaadey  inay arrinkaas  ka  fiirsadaan oo  ay Mudaharaadka wajigiisa ka  fiirsadaan oo ay wajigiisa ka daayaan oo  ay  iyagu Kiiskooda  furtaan  waayo  wax  kastaa  way dhici  karaan Cadaalad  darro  way  dhici  kartaa, hawshan Mudaharaadkuna  Qaranka  ayey  dhibaato  soo  gaadhsiin  kartaa, Asxaabta  inta  hadheyna  Xisbigaa Badbaado  ayaa  sheegay  isagu  inaanu  Mudaharaad u gudbineyn  arrintiisa, waxa aanan leeyahay walaalayaal inaga daaya Mudaharaad  oo  dad  kaw  iyo Labaatan Sanno  arrimahooda warbaahinta ku dhiibanayey  ayeynu aheyn  Cadaaladuna waa dhaar  oo  haddey  qoladaasi  inay  Cadaalad  faleen  ku  dhaartaan  dee  Cadaaladeeda waa  la arki  karaa, waxa aanan  asxaabta kula  talinayaa  oo  aan  leeyahay.”

Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi, “Waxa  inagu  soo  socda  kii  Koonfureed ee  Somaliland  iyo  Somalia  wada  hadlayeen, laakiin waa ay u muuqanaysaa  haddii  uu  Mudaharaadkaasi Hirgalo  dhibaato  aan  la  fileyn  inay  soo  baxdo,  waxa aan  leeyahay  Mudaharaadkaas  aad ku baaqdeen ka fiirsada  Xukumaddana  waxa  aan  leeyahay  in ay  iyadda laftigeedu  ka  fiirsato  arrintan  oo ay baadhis Xooggan  ku  sameyso  Ummadda sidii  Nabadgelyadooda loo  sugi  lahaa.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net