Suldaan ka hadlay xadhigga Afartameeyo Qof oo Beeshiisa ah oo ku Xidhan Jig-jiga

[H]argeysa, 16 June, 2012 (SLpost)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta deegaanka Soomaalida Itoobiya isla markaana ka soo jeeda Somaliland ayaa si weyn u majeertay horumarka iyo mashaariicda wax qabad ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaanu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Muxumed Cumar ku sifeeyay masuul isku hawlay inuu wax ka qabto adeegyadda aasaasiga ah iyo kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu maanta siiyay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, waxa kale oo uu ka hadlay 45 qof oo ku xidhan magaaladda Jig-jiga kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka qeyb galeen shaqaaqo dhex martay laba beelood oo oodwadaag ah deegaanka Yoocaalle ee deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

Suldaanku waxa uu ugu horayn bogaadiyay waxqabadka madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan marka hore dhambaal hambalyo ah u diro Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Muxumed Cumar, oo ah masuul mudadii uu xilka hayay wax badan ka qabtay adeegyadda waxbarashadda, caafimaadka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markii hore meel aad u hooseysa taagnaa. Waxa kale oo uu dedaal weyn u galay xasilinta nabad-gelyadda waxaanu ILAAHAY ku guuleeyay inuu joojiyo dhiigii qubanayay ee dadweynaha. Waxaan masuulkan ku sifeyn karaa madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa ee soo maray Dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya (DDSI).”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo la weydiiyay halka ay arrintoodu ku dambaysay 45 qof oo ka soo jeeda beeshiisa oo lagu qabtay shaqaaqadii Yoocaale ku dhex martay laba beelood oo oodwadaag ah. Waxa uu yidhi “Runtii way jirtay arrintaasi mana aha markii u horeysay ee laba beelood oo oodwadaag ah colaad ama shaqaaqo dhex marto. Runtii imika wax dhibaato ahi kama taagna deegaankaasi. Waana laga heshiin doonaa xiisadaasi maadaama oo labada beeloodba yihiin dad isku deegaan ah oo isku dawlad ah, xigaalo iyo xididnimana ka dhaxeyso.”
Suldaan Xuseen oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu Magaaladda Jig-jiga u tagayo sidii loo dhamayn lahaa shaqaaqadaasi, waxa uu yidhi “Anigu shacbiga deegaanka Soomaalidda Itoobiya iyo dawladda deegaanka Soomaalidaba waxaan u wada ahay Suldaan.

Waxa waajib isaaran ah inaan tago Jig-jiga si aan labadeyda beelood islaax iyo nabadgelyo uga dhex dhaliyo, anigoo kaashanaya xukuumadda iyo madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.”
Suldaanka oo la weydiiyay in dadka beesha laga xidhay lagu xukumay cadaalad iyo in kale, waxaanu yidhi “Haddii laba beelood oo walaalo ah oo ood-wadaag ah oo isku dawlad ah shaqaaqo iyo colaadi dhex marto, waxa waajib ku ah dawladda inay cidii hubaysan ee labadda dhinacba qabato si ay nabad-gelyadda u sugto. Dadkan xidhan cadow muu qaban ee dawladoodii ayaa haysa, cadaaladdana haddii nabad-gelyo loo hayo waa la sugay.

Salaadiinta labada dhinac iyo dawladoodaba waxa waajib ah inay ka shaqeeyaan sidii nabad-gelyo laga dhex dhaliyo labadda beelood ee isku deegaanka ah. Waxaanan qabaa inay dhawaan iska dhammaan doonto arrintaasi oo xal kama damays ah laga gaadhi doono.”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu beelihii ku diriray deegaanka Yoocaalle u soo jeediyay inay nabadp-gelyadda ilaaliyaan oo ay nabadda iyo horumarkooda ka shaqeeyaan.

Waxa kale oo uu beelahaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka Liyuu Booliska isla markaana aanay u arag ciidan cadow u ah iyaga.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net