Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Naqdiyay Tallaabada Dhalanteedka ah ee ay ku kaceen Qurba Jooga Awdal Qarkood

SULDAAN IBRAAHIM JAAMAC SAMATAR

Gabiley, (SLpost)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka tirsan Salaadiinta Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay, Kooxdii isku magacawday Awdal State ee hoggaanka ku dooratay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska, kuwaas oo uu ku tilmaamay in aanay matalaynin Masiirka Umada reer Awdal, isla markaana aanay ka hadli karin rabitaanka Bulshada reer Awdal. Waxa kale oo uu sheegay in Nimanka boro-bogaandadan wadaa ay yihiin kuwo Dunidaa Galbeedka ka qaata Waxoogaa yar oo Caydh ah, isla markaana ay yihiin kuwo Sodon Sano horteed ay ugu danbaysay Dalka.

SULDAAN IBRAAHIM JAAMAC SAMATAR

Suldaan Ibraahim Jaamac waxa uu arrimahan kaga hadlay Shir-Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Gabiley, kaasi oo uu baaq nabadeed ugu diray Beelaha Dirirta Colaadeed ku dhex martay Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceeri-gaabo, waxaanu ugu baaqay in ay joojiyaan Colaada dhexdooda taal.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxa Shirkan-Jaraa’id igu kalifay Anigoo Hargaysa uun hada ka imid kuna jihaysan Boorame in aan Bulshada reer Somaliland u bayaamiyo ama u iftiimiyo Hadal ka soo yeedhay Shakhsiyaad sheegtay in ay ka mid yihiin Qurbe-Joogta Reer Awdal, kuwaas oo sheegtay in ay samaysteen wax ay ugu yeedheen Maamulka Awdal State, waxaan leeyahay Hadalkaasi waxa uu ka soo baxay Nin Riyoonaya, waana wax lagu qoslo. Masayrka
Bulshada Reer Awdal ma matali karo Nin qaxootinimo ku joogo Dal shisheeye oo qaata Lacagta caydh ee ay bixiyaan Wadamada Reer Galbeedku, ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.
Waxa kale oo uu Suldaanku ku daray hadalkiisa, “Dadka Reer Awdal waxay leeyihiin Siyaasiyiin, Salaadiin, iyo Aqoonyahan, Kuwaa ayaa matala oo ku hadli kara Afka Reer Awdal iyo Shacbigooda iyo waliba rabitaankoodaba. Gobolkanina waa Gobolkii dhidibada u taagay Jamhuuriyada Somaliland, Iyagaa dhisay, Mansabkii ugu sarreeyey ayay  ka gaadheen oo Madaxwayne ayay ka noqdeen, Imikana waxay ka yihiin Madaxwayne ku xigeen, Cid uga lexo-Jeclo badani ma jirto,” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.
Suldaanku Isaga oo baaq-nabadeed u diraya Beelaha Dirirta Colaadeed ku dhex martay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag waxa uu yidhi,”Waxaan u soo jeedinayaa Beelaha walaalaha ah ee Dirirtu ku dhex martay Deegaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag in ay Xabada joojiyaan oo nabada ka shaqeeyaan, arrimahoodana wada hadal ku dhameeyaan, walaalnimadoodiina soo celiyaan, illayn waxay isku yihiin Wiil iyo Abtigii oo waa Dad wada dhashay oo kala dhalay oo isku dhaxay oo Gacal iyo Sokeeyaba ah”. ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com