Suldaan Dar-daaran u jeediyey Murashaxiinta u taagan tartanka Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Hargeysa, ayaa dardaaran u soo jeediyay murashaxiinta u tartamaysa Golaha deegaanka Hargeysa.

Suldaan Xuseen Xaaji  Cabdi Cabdilaahi oo u waramayay Warbaahinta, waxa si gaar ah ula hadlay Golaha deegaanka Hargeysa ee ka soo bixi doona doorashada goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28-ka Bisha November ee sanadkan sii galbanaya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Marka hore waxaan soo dhawaynayaa in dimuqraadiyada dalka ee madaxweyne Siilaanyo fur-furay uu balaadhiyay hanaankii xisbiyada badan.

Waxaan jecelahay inaan tallooyin iyo guubaabo u soo jeediyo Murashaxiinta u taagan doorashada deegaanka magaalada Hargeysa, waxaan leeyahay waxaad tihiin 175 Murashax oo ka kala socda laba xisbi iyo shan urur siyaasadeed, waxa Golaha deegaanka Hargeysa ku soo bixi doona 25 Xildhibaan oo qudha, sidaasi darteed, waxaan u soo jeedinayaa inta guuldaraysataa inay hannayso, inta nasiibku siiyo ee soo baxdaana ay u guntado hawsha culus ee loo doortay oo ay waxqabad iyo horumarka caasimada xooga saaraan.”

Suldaanku Xuseen oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray, “Waxa kale oo aan doonayaa inaan halkan ka bogaadiyo duqa caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo muddo toban sanadood xilka hayay. Waxaan la xaqiri Karin inuu horumar ballaadhan ka sameeyay dhinacyada waddooyinka iyo maamul daadejinta degmooyinka. Waxa Maayarka taariikhda u galaysa illa 50 waddo oo cusub oo uu ka hirgeliyay xaafadaha Hargeysa. Waxa jira xaafado aan wado ahba lahayn oo uu u sameeyay jidad cusub markii ay isku tashadeen dadweynaha iyo dawladda Hoose.”

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa