Suldaan GALAAL oo Si Adag Uga Jawaabay Eeddo Suldaan XIIREY Kusoo Riixay Oo Ku Dhereran Muran Deegaan

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe) ee Beelaha Ciidagale Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal ayaa si kulul u beeniyey wararka sheegaya in shaqaaqo iyo saan-saan colaadeed ka taagan tahay Deegaanka Balli-Maxamed Daa’uud oo uu hore Suldaan Yuusuf Xiirey uga soo saaray qaylo dhaan la xidhiidha muranka halkaas ka taagan.

Suldaanka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Beel ahaan deggan yihiin oo ku sugan yihiin Balligoodii ay muddada  badan degenaayeen, islamarkaana aanay wadin wax deegaankaas ku cusub.  Suldaanka oo arrintaas ka hadlaya, ayaa yidhi, “Horta aan ku saxo’e waxaan ahay Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud, Mar labaadna Suldaanka labaad ee Beelaha Ciidagale, Marka saddexaadna waxaan ahay Suldaanka Keenay Nabadda Somaliland ku naaloonayso taasi waa taas, Mida kale Shaqaaqadaas uu suldaan Yuusuf (Xiiray)  sheegay waxba ka ma jiraan. Ceebkalena ma jirtee dadkani balligoodii bay degeen oo ku ducaysteen, shaqaaqona ma dhicin oo dadkani waa dad walaalo ah, mana arag cid reerkaas suldaanku ka soo jeeda ah(isaxaaq) oo  noo timi oo tidhi waxaas ayaanu ka cabanaynaa”  Sidoo kale waxa uu suldaan Galaal  ka sheekeeyey taariikh hore oo Balligani soo maray,   xilligii goobtaas la degey iyo Ladqabo hore uu Deegaankaas ka galay, waxana uu yidhi,  “Ballibaa jira u dhaw balligan Maxamed Daa’uudku qoday 55-kii, balli-golis baana la yidhaahdaa, 1995-kii baana qolada reer Golis qodeen, iyadoo wakhtigaana aan anigu ka diiday codsi Beeshayada iiga yimi oo ay leeyihiin aynu ka Aasno Balligeennii bay u soo dhawaadeene. Markaa waxan uu suldaan yuusuf saadinayo ee uu leeyahay shaqaaqaa dhacday anigu ma ogi.”

Suldaan GalaalWaxa kale oo uu suldaanku sheegay tallaabooyin uu saluugay oo uu wasiir-ku-xigeenka Amnigu intuu u yeedhay ugu yeedhiyey Go’aan uu sheegay inuu  cid kale ku socday, waxana uu sidoo kale saluug ka muujiyey qaabkii uu wasiir-ku-xigeenku u soo abaabulay kulankii uu  salaadiinta kula kulmay, waxana uu yidhi, “Maalin dhaweyd ayaa la igu yidhi wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaa doonayaa oo wasiir-ku-xigeenkaa ku doonaya, waana maalintii ugu horraysay ee aan waligay tegay, waxana la I dhex geeyey toddobaatan nin oo wada gadh-cas  ah oo uu suldaan xiiray hogaaminayo, waxana  halkaas laga akhriyey, Go’aan la yidhi Guddi baa soo saartay ee waa inaad labadaa Balli  gacmihiina ku dumisaan oo Amarkaa fulisaan, warqaddaasina anaga naguma socotee wasiirka arrimaha gudaha ayey ku socotaa, laba Ballina meesha ma jiraan oo waa Balligayaga oo kaliya.”

Waxa kale oo uu suldaanku  dhaliilay Amarka ay xukuumaddu u akhriday ee ay ku amartay salaadiinta in la dumiyo Ballida Goobtaas lagu sheegay, waxana uu yidhi,“Dawlad baa wax dumisa intay  go’aan soo saarto oo maxkamdaheeda iyo xeerarkeeda marto, Suldaan guryo dhisan ma dumiyo’e  wuu dhisaa, mana aha dhaqanka iyo karaamada soomaalida, halkanina maaha Balloodho la iska rarayee waa balligayagii.”

Suldaanka oo mar kale hab masraxiyeysan uga hadlaya Odhaah uu Suldaan Xiirey ku sheegay inuu meelo deegaankaas ka mid ah soo gubay, waxa uu yidhi, “Barigii uu Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa ayuun Baan maqli jirey Guryo New Hargeysa ku yaalla ayaa la gubay, markaa waxan uu leeyahay suldaan Xiirey waan Gubay adeer anigu ma garanayee muu yidhaahdo waxbaan dumiyey.”

 Suldaanka oo mar kale tilmaamaya inaanu Balligani ka duwanayn Balliyada kale Beelaha reer Somaliland leeyihiin ee qodani, waxa uu yidhi, “Wasiirka Amniga waxan leeyahay Balligaanu Toddobaatan sanadood baanu degenayne Haddii dawladu hayso sharci Balligayaga lagu duminayo oo ka duwan kunkan Balli ee Qodan dee Ha Keento.”

Murankan  la xidhiidha arrimaha dhulka oo in mudo ahba soo Taagnaa, ayaa u muuqda mid aanay wali ka soo bixin  go’aan mug leh oo labada dhinacba qanciya, waxana maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaya dhiillo iyo warwar  ku saabsan in isku dhac ka  dhasho halkaas, iyadoo Go’aankan la yidhi Guddi baa soo saartayna aanu ahayn mid wali qaneeco keenay. Gebogabadii waxa uu Suldaan Galaal Warbaahinta u soo bandhigay Qoraal Talo Soo jeedin ah oo hore ay u soo saareen Guddi uu Wasiirka Daakhiligu u igmaday xalinta muranka dhuleed. Qoraalkan ayaa nuxur ahaan xambaarsanaa Talo soo jeedin ay xubno Toddoba ah oo guddidu ka koobnayd ku socodsiiyeen wasiirka, kuwaas oo ay ku sheegeen Waxyaabihii ay isla qaateen guddi ahaan markii ay xaqiiqo raadinta u tegeen deegaanka muranku ka jiro. Suldaank Galaal oo Qoraalkaas faahfaahinaya ayaa sheegay in aanu ahayn Go;aan rasmi ahaan Xukuumaddu uga soo saartay qaddiyadaas, balse uu ahaa keliya Talo soo jeedin ku socota  wasiirka daakhiliga oo xambaarsan, waxaana Suldaanku tilmaamay in Talo soo jeedintaas uu Suldaan Xiiray ka dhigay Goaan Xukuumadda kazoo baxay oo la dhaqan galinayo, sidaas darteed aanu go’aan annaga na khuseeya ahayn.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net