Sucuudigu Muxuu Ka Yidhi Ka Bixitaanka Xulafadiisa Ee Pakistan?

Riyaad, (SLP)- Dalka Sucuudiga  ayaa sheegay in go’aanka dalka Pakistan uu qaatay ee ah inaanu ku biirin is-bahaysiga milateri ee Sucuudigu hoggaaminayo aaanu marnaba yareyn doonin awoodda hawlgalkaasi ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta Yemen.Assiri

Milateriga Sucuudiga ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay taageero ka gaysan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Sidoo kale Sucuudigu waxa uu intaasi ku daray in horumar laga gaadhay duqaymaha ay ku hayaan kooxda dalkaas Yemen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in duqaymaha uu horkacayo dalka Sucuudigu ay yihiin qaar lagu guul-daraystay in ay hakiyaan horumarka ay samaynayaan Xuutiyiintu, isla markaana go’aanka dalka Pakistan ku sheegay inaanu ka mid ahayn xulafadaasi uu dhirbaaxo ku yahay Sucuudiga.

 

Somalilandpost

Wararka Caalamka