Sucuudiga: Shil Naxdin leh oo sababay Dhimashada Muwaadiniin u dhalatay Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay

siilaanyoHargeysa (SLpost)- Shil naxdin leh oo sababay geerida shan qof iyo dhaawaca Afar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa Jimchii shalay ka dhacay deegaanka Tugba ee waddanka Sucuudiga, ka dib markii dab qabsaday Guri ay deggenaayeen isla markaana halkaas ku shuf-beeleen.

Shanta Qof ee shilan naxdinta leh ku geeriyooday oo dhammaantood ahaa dhalinyaro u dhalatay Somaliland, ayaa shalay Jimcihii lagu aasay dalka Sucuudiga, halka Afarta qof ee dhaawacyadu soo gaadheen lagu dabiibayo cusbitaal ku yaala waddankaas.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dhacdadan naxdinta leh, waxaanu ehelladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen ka tacsiyeeyay Marxuumiinta geeriyooday oo uu Eebbe uga baryey naxariistii Janno inuu ka waraabiyo halka Afarta qof ee kale uu caafimaad-qab Eebbe uga baryey.

Madaxweynuhu waxa uu ehelladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee Shanta Marxuum ka baxeen uga tacsiyeeyey dhacdada naxdinta leh, waxaanu marxuumiinta Eebbe uga baryey naxariitii Janno inuu ka waraabiyo, kuwa ku dhaawacmayna Eebbe caafimaad siiyo.

War-saxaafadeed xambaarsan dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray qoysaskii, ehelladii iyo Shacbiga ay Somaliland ee Marxuumiintu ka baxeen, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya madaxweynuhu shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Sucuudi Arabiya gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Tugba oo uu Guri ku gubtay dhalinyaro reer Somaliland ah, kuna geeriyoodeen 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale 21/11/2014 laguna aasay Jimcihii Sucuudi Carabiya.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiintaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan ka siiyo. Inta Dhaawaca ahna waxa uu madaxweynuhu Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo.”

SOMALILANDPOST.NET