Sucuudiga: Qarax Masaajid lala beegsaday oo Galaaftay noloshaa 13 Qof oo u badan Saraakiil Dowladeed yihiin

Riyad (SLpost)- Ugu yaraan 13 Qof oo Ciidamada ammaanka u badan, ayaa ku geeriyooday Qarax lala beegsaday Masaajid ay isticmalaan Ciidamada ka la-dagaalanka Argagixisada gelinkii dambe ee Khamiistii, kaas oo ku yaala magaalada Abha ee Galbeedka dalka Sucuudiga.

Sida ay shaaciyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sucuudiga, Qaraxa khasaaraha badan sababay oo uu Fuliyey Qof Naftii hore ah, 10 ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa saraakiil Sare-sare oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka dalka Sucuudiga, in kasta oo wararka horedhaca ee laga helayo khasaaraha qaraxaasi sheegeen in tirada dhimashadu intaas ka badan tahay.

ddeAfhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Major Jeneraal Mansuur Al-Turki, ayaa sheegay inay Qaraxa ku dhaawacmeen Sagaal Qof oo saddex ka mid ahi dhaawacyo culus qabaan, isagoo intaas ku daray in Qof Is-qarxiyey uu xidhnaa Suunta lagu xidho walxaha Qarxa.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo codsaday inaan magaciisa la xusin sababo la xidhiidha inaanu fasax u haysan ka-hadalka dhacdada, ayaa hseegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday Dugsi lagu tabobarayey Askar ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo xilligaas ku tukanayey Xarun ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ku leedahay magaalada Abha ee gobolka Asir.

ILaa immika ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse waxa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen kooxda DAACISH oo tiradaba dhowr jeer weerarro noocan ka fuliyey dalkaas Sucuudiga bilihii u dambeeyey, iyadoo inta badan weerarraas lagu bartilmaameedsaday Ciidamada Ammaanka dalka iyo saraakiisha dowladda.

Weerarka Khamiistii ayaa lagu timaamay inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidamada Ammaanka Sucuudiga la gaadhsiiyo laga soo bilaabi sannadkii hore oo Kooxda Daacish oo weerarro ku bilowday Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Weerarkan, ayaa ku soo beegmay Bil kaddib markii ay dowladda Sucuudigu xidh-xidhay 400 qof oo looga sharciyey inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Xag-jirka ah.

ddWaddanka Sucuudiga, ayaa taageeray, kana qayb-qaatay weerarro xagga cirka ah oo Isbahaysi Maraykanku hoggaaminayaa ku hayaan deegaannada ay ka taliso Kooxda DAACISH ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, dalka Sucuudig, ayaa hoggaaminayo isbahaysi duqeyn xagga cirka ah ku haya Malleeshiyaadka Shiicada ah ee Xuutiyiinta oo inta badan gacanta ku dhigay Woqooyiga dalka Yemen iyo qaybo ka tirsan Koonfurta dalkaas, kaddib markii ay xukunka ka tuureen madaxweynihii sharciga ahee dalkaas Cabdulhaadi Maansuur.

Malleeshiyaadka Xuutiga oo ka jawaabaya weerarrada Isbahaysigu Sucuudigu ku hayo fadhiisimadooda, ayaa tira-ba dhowr jeer weerarro ku qaaday fadhiisimo ay leeyihiin Ciidamada Ilaallada Xuduudda dalka Sucuudigu la waddo waddanka dagaalladu regaadiyeen ee Yemen.