Sucuudiga oo u Dareeray Doorashadii ugu Horaysay ee Haween ka Qaybqaataan

Riyaad(SLpost)-Maanta oo Sabti ah waxaa ka dhacaya dalka Sucuudiga Doorashadii u horeysey ee haweenka sucuudigu ka qaybqaataan, iyaga oo ah kuwo wax dooranaya, ama la dooranayo.

Dalka Sucuudiga ayaa ah dalkii u danbeeyey ee ragga keliya loo oggol yahay in ay doorashooyinka ka qaybqaataan ama codeeyaan.

Haweenka murashaxiinta ah ayaan loo ogoleyn ololahooda inay qabtaan kulamo ay isugu yimaadaan taageerayaashooda, balse waxaa loo ogol yahay in qof metelaya uu telefishinka ka akhriyo qodobada ay doonayaan inay wax ka qabtaan.

Isku dar haween gaaraya 978 ayaa isu diiwaan geliyey in ay u tartamaan doorashooyinka goloyaasha deegaanka, marka loo barbardhigo 5938 nin oo musharixiin ah, sida aan ka soo xigannay BBCda.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland