Sucuudiga Oo Tiradii Ugu Badnayd Muwaadiniintiisa U Xidhay Inay Xidhiidh La Leeyihiin Kooxda Daacish

Riyaad, (SLP)- Boqortooyada Sucuudiga ayaa tiradii ugu badnayd u xidhay inay ka mid yihiin kooxda Daacish.

Sucuudiga ayaa sheegay in 93 qof ay xabsiga dhigeen, ka dib markii looga shakiyay inay ka mid yihiin kooxda xag-jirka ah ee Daacish.

War-saxaafadeed ka soo baxay wakaallada wararka ee dalkaas shalay oo Salaasa ah ayaa lagu sheegay in dadkaas la xidhay, iyagoo looga shakiyay qaarkood inay isku dayayeen inay weerar ku qaadaan safaaradda dalka Mareykanku ku leeyahay Sucuudiga.

Dalka Sucuudiga ayaa saaxiibtinimo dhaw la leh waddamada reer galbeedka ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Sucuudiga ayaa weerar ku qaaday tiraba afar jeer bishii October ee sannadkii hore, ka dib markii uu ku biiray xulafada dagaalka adag kula jirta ISIS.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidoo kale tallaabooyin badan qaaday, kuwaasoo ay muwaadiniinteeda kaga joojinayso inay ku biiraan kooxda kja dagaalanta waddamada Ciraaq iyo Syria ee Daacish, waxaana cambaareeyay dagaalka kooxdaas hogaamiyeyaasha ugu sareeya ee dhinaca diinta ee dalka Sucuudiga, iyagoo ku sheegay inay yihiin cadawga koowaad ee Islaamka.

 

Somalilandpost.net