Sucuudiga oo Sheegay Inuu Ciidamo U Diraayo Suuriya Hadii Isbahaysigu uu Yeelo

Sucuudiga(SLpost)-Afhayeenka militariga Sucuudiga, Axmed Asiri waxa uu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ciidamo dhulka ah geeyo Suuriya si ay ula dagaallamaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

150327015426_saudi_royal_air_force_fighter_jet_624x351_afp

Laakiin waxa uu sheegay in arrintaasi ay sameynayaan haddii hogaamiyayaasha Isbeheysiga ay isku raacaan.

“Boqortooyada Sucuudiga waxa ay diyaar u tahay inay ciidamada lugta ay ka qeybgasho, haddii isbeheysiga la dagaallamaya kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ay isku raacaan in tallaabadaasi la qaado. Haddii hogaanka isbeheysiga uu aqbalo arrintaasi. Sucuudiga waxa uu diyaar u yahay inuu dadaalkaas ka qeybgalo.” ayuu yirin Mr. Axmed Asiri.

Sucuudiga waxa uu tani iyo bishii September ka qeybqaadanayay duqeynta dhanka hawada ah.