Sucuudiga oo ka Warceliyay Eedda Iiraan

Jiddah(SLpost)-Maamulka Sucuudiga ayaa waxa ay si adag u beeniyeen wararka sheegaya in meesha dadka badan ay ku dhinteen ee Jamaratka inay sababtay in madax loo xiray qaar ka mid ah jidadka si ay u maraan.

In kabadan 700 oo qof ayaa dhimatay kaddib markii ay isku duldaateen, dadkii xujayda eek u sugnaa Mina.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Sucuudiga waxa uu sheegay in sheegagashada noocaasi ah inay tahay mid naceyb ah, aysanna marna run ahayn.

Wararka sheegaya in jidadka madaxda mareysay loo xidhay waxa uu ka soo bilowday warbaahinta Shiicada Iiraan.

Iiraan oo 131 qof ay dhacdadaasi uga dhinteen waxa ay sheegtay in sucuudiga ay ku eedeynayaan maamul xumo, waxayna dalbatay in kuwa ka dambeeya arrintaasi dacwad lagu oogo.

Sidoo kale, sheekha culimada Sacuudiga ugu weyn, Sheekh Cabdilcasiis bin Cabdulaahi Aal Sheekh, ayaa sheegay in isjiidhiddii toddobaadkan ka dhacday xajka ee ay ku dhinteen inkabadan toddobo boqol oo qof inay ka waynayd awoodda bini’aadanka.

Muftiga ayaa u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Amiir Maxamed bib Nayef, inuusan qalad ku lahayn masiibadii ka dhacday xajka, sababtoo ah amarka Ilaahey ayaan la joojin karin.

Iran iyo waddamo kale oo dadkooda ay ku dhinteen isjiirka ayaa dhaleeceeyay masuuliyiinta Sacuudiga sida ay u sugeen ammaanka.