Sucuudiga Oo Duqeeyay Ticis, Ka Dib Dhawaaqiisii Joojinta Oo Xuutiyiintu Uga Faa’iidaysteen Qabsashada Goobo Cusub

“Magacii hore ee ahaa Weerarkii Adkaa ayaa lagu bedelay magac cusub oo ah, Dib u soo Celinta Rajada”

Ticis, (SLP)- Diyaaradaha is-bahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga ayaa duqeyn culus maanta ka gAystay magaalada Ticis ee dalka Yemen oo ay xoogagga Xuutiyiintu qabsadeen, saacado yar kaddib markii uu Sucuudigu sheegay inay hakiyeen muddo todobaadyo ah duqeymihii ay ka gaysanayeen Yemen.Yemen

Diyaaradaha dagaalka is-bahaysiga ayaa duqeeyay xarumo ay aroornimadii hore ee maanta ay dagaallo ka dhaceen, kuwaasoo ay kula wareegeen xoogag taabacsan Shiicada mucaaradka ah ee Yemen. Iyadoo duqeyntan ay kusoo beegantay xilli ay qaybo badan oo Koonfurta dalka Yemen ka tirsan weli ka socdaan dagaallo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidammo raacsan dawladda Yemen oo ay ku jirto dekedda magaalada Cadan.

Sarkaal Sucuudiga u hadlay ayaa sheegay shalay oo Salaado ahayd in hakad ay geliyeen duqeymihii ay dalka Yemen ku wadeen, ka dib markii ay guulo ka gaadheen hadafkoodii oo ahaa inay burburiyaan hub ay Xuutiyiinta Yemeni lahaayeen.Yemen1

Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qayb ka ahayd duqeynta maanta laga gaystay waddanka Yemen. Sidoo kalena dawladda Mareykanka ayaa ku taageera is-bahaysiga ay Sucuudigu hoggaaminayo qalabka iyo sirdoonkaba.

Boqortooyada Sucuudiga iyo is-bahaysiga ay hoggaaminayaan ayaa dhanka kale sheegay in hadafkoodu aanu midho-dhal noqon doonin tan iyo inta ay xukunka ku celinayaan dawladda uu hoggaaminayo Cabdirabbi Haaddi Mansuur oo ay xukunka ka tuureen Xuutiyiinta weli ka dagaalamaya dalkaas sannadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, magacii hawlgalka is-bahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga oo magaciisu uu hore u ahaa, Weerarkii Adkaa ayaa lagu bedelay magac cusub oo ah, Dib u soo Celinta Rajada.

Maxamed Al-xaaj oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Ticis ayaa u sheegay war-baahinta in dagaallo culus ay weli ka dhacayaan Koonfurta dalka Yemen, isagoo sidoo kale sheegay in duqeymo culus loo gaystay goobo ay la wareegeen Xuutiyiinta oo ku yaalla Ticis oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Koonfurta dalka Yemen.

Dhanka kale, magaalada Cadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaalo culus oo u dhexeeya ciidammo taabacsan dawladii la riday iyo dagaalyahanka Xuutiyiinta, iyadoo duqeymo ay is-dhaafsanayeen ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo reer miyi ah.

“Xoogagga Xuutiyiintu weli waxay duqeymo culus ku wadaan shacabka,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay dagaalyahan taageersan dawladda Yemen, isagoo intaas ku daray. “Weli kamay bixin magaalada Cadan.”

Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saalax oo hadda taageersan Xuutiyiinta ayaa soo dhaweeyay baaqa joojinta duqeymaha ee uu soo jeediyay Sucuudiga, isagoo xusay inuu rajaynayo in dhinacyadan oo dhami ay isugu iman doonaan miiska wada-hadallada si xiisadda loo dejiyo.

Somalilandpost.net