Sucuudiga Oo Dil Ku Fuliyay 47 Qof Oo Uu Ka Mid Yahay Wadaad Shiico Oo Caan Ah

Sucuudiga(SLpost)-Dawladda Sucuudi carabiya ayaa maanta dishey 47 qof oo uu ka mid yahay wadaadka caanka ah ee Shiicada Nimir Al-Nimir, kuwaas oo ay ku tilmaamatay iney ka mid yihiin Al-qaacida, sido kalena ay kacdoonno ka wadeen Sacuudiga.

6ED3137F-D0B0-4682-B63B-87D37BF4EF69_w640_r1_s

Sacuudigu dadka uu laayay intooda badan waxa uu ku eedeyay iney ku sifoobeen weeraro ay Al-qaacidda ka geysatay Sacuudiga 10-kii sannadood ee la soo dhaafay. Afar qof oo uu ka mid yahay Sheekh Nimir Al-Nimir ayaa waxaa sabab looga dhigay iney ka dambeeyeen muddaaharaadyadii ay Muslimiinta Shiicada ah ay kaga soo hor-jeesteen dawladda Sacuudiga markii ay kacdoonnadu gil-gileen waddama bariga dhexe sanadadii la soo dhaafay, iyo waliba dil toogasho ahaa oo loo gaystay nin boolis ah xilligaas.

Waxaa dilka laga fuliyay 12 goobood. Afar xabsi waxay isticmaaleen toogasho toos ah, halka inta kali seef kurka looga jaray. Waxaa arrintaas cambaareeyey dalka Iiraan iyo waddamada xulufada la ah ee Shiicada ah , gaar ahaanna dilka Sheekh Nimir loo geeystay. Si kastaba, Sacuudiga ayaa markaas kadib adkeeyey ammaanka goobaha ay degan yihiin dadka Shiicada ah iyo xaafadaha ay ku badan yihiin Shiicadu ee dalka Sacuudiga, si looga hortago mudaaharaadyo suurto gal ah iney sameeyaan dadka Shiicada ahi.

 Tallaabadani ayaa u muuqata in lagu niyad jabinayo dadka Sacuudiga ah si ay uga gaabsadaan falalka xagjir-nimada ah, kadib markii ay sanadkii la soo dhaafay dad badan ay ku dhinteen qaraxyo iyo toogashooyin ay ka geysteen kooxo Sunniyiin ah dalka Sacuudiga, isla markaana ay kooxda Daacish ugu baaqday taageerayaasheeda iney weeraro ka fuliyaan boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dilka loo geystay 47-ka qof ayaa la sheegay in uu ahaa kii ugu tirada badnaa tan iyo sanadkii 1980-kii, markaas oo la dilay 63 qof oo lagu eedeeyay iney afduub ku qabsadeen Masjika weyn ee Xaramka ee ku yaalla Maka al-Mukarama sandkii 1979-kii