Sucuudiga Oo Dalkiisa Ka Eryay Diblamaasiyiintii Iiraan Xidhiidhkii Labada Dal Oo Halkii Ugu Hoosaysay Gaadhay

Sucuudiga(SLpost)-Xiriirka u dhaxeeya labadan dal ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyay ayaa in mudda ahba sii xumaanayay.

Hasayeeshee arrinta ayaa cirka isku shareertay kaddib markii Sabtidii la dilay Sheekh Nimr al-Nimr oo ah wadaad caan ah oo Shiica ah.Dad caraysan ayaa waxa ay weerrareen safaaradda Sucuudiga ee Tehran iyo qunsuliyadda ku taal magaalada Mashad. Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa waxa uu dhaleeceeyay rabshadahaasi, balse waxa uu sidoo kale cambaareeyay dilka wadaadkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadamnimada.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamani, ayaa saadaaliyay inuu dhici doono aargoosi weyn. Go’aanka degdega ah ee Sucuudi Carabiya ee lagu eryayo diblumaasiyiinta Iiraan ayaa gaarsiinaya xiriirka sii xumaanayay ee labada dal heerkii ugu hooseeyay muddo sanada ah.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labadan quwadeed ee Sunniga iyo Shiicada ah oo go’a ayaa waxaa laga dareemi doonaa guud ahaa Bariga Dhexe, halkaasi oo ay kala taageeraan dhinacyo iska soo horjeeda oo dagaalamaya.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa ku dhamaaday raja ah in wadahadalada nabadda ee dalka Yemen ay bilowdaan, halka wadahadala Suuriyana ay xigi doonaan bishan, balse khilaafkan cusub ayaa u muuqda mid arrintaasi murjin doona.