Sucuudiga Oo Dadka Uu Bara-kiciyay Ee Reer Yemen, Haddana Caawimooyin Ugu Yaboohaya

Riyaad, (SLP)- Sucuudiga oo hoggaaminaya weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah fallaagada xuutiyiinta Yemen ayaa ku yaboohay dhammaan lacagta ay jimcihii codsatay qaramada midoobay si loo gargaaro dadka tabaalaysan ee reer Yemen.Sucuudi

Wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in dalkaasi uu bixinayo lacag dhan 274 milyan oo doolar oo wax lagaga qabanayo xaaladda bani’aadanimo ee haysata dadka reer Yemen ee dagaalada halkaasi ka socda ay saameeyeeyn.

War rasmi ah oo uu soo saaray Sucuudiga ayaa waxa lagu sheegay in Sucuudigu uu garab taagan yahay walaalahooda Yemen.

Dhinaca kale, madaxweynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday dalka Sucuudiga, kaasoo la xidhiidha ololaha uu horkacayo Sucuudiga ee ka dhanka ah xuutiyiinta Yemen.

Khudbad uu u jeediyay ciidanka dalkaasi oo si toos ah laga sii daayay telefishanka qaranka ayaa madaxweyne Ruuxaani waxa uu ku eedeeyay Sucuudiga inuu gobolka ka abuurayo nacayb, waxaanu sheegay in Sucuudigu uu heli doono jawaabta arrimahaasi xilliga ay noqotaba, ha dhawaato ama ha dheeraato.

 

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net