Sucuudiga oo Cadaadis lagu Saaray Shilkii Shalay Xujaajta ee Mina iyo tirada Soomaalida ee Shilkaa Ku Nafwaayey

Makkah(SLpost)-Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in shilkii Shalay ka dhacay Xajku uu ahaa Musiibo, iyagoo Shaaciyay in baadhitaanno lagu Sameyn doono shilkan. Dhaxal-sugaha boqortooyada Saudi Arabia, Maxamed Bin Naayef uu isna sheegay in la Magaacabayo Guddi Arrintaan soo baara isla markaana Natiijada u gudbisa boqorka.

Wasiirka Caafimaadka dalka Sucuudiga, Khaalid Al-faalix ayaa isna xusay in si degdeg ah loosoo bandhigi doono tirada kama dambaysta ah ee Geerida, isagoo xusay in dhaawacuna uu gaarayo 863-xujeyn ah.

Tirada xujaajta soomaaliyeed ee ku geeriyoday shilkan ah toddoba xaaji, iyadoo ay isa soo tarayaan dalalka Caalamka ee soo bandhigaya tirada dadka kaga geeriyooday shilkan.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa waxaa haysta Cadaadis iyadoo laga sugayo wixii ay ka odhan lahaayeen Shilkan ay Boqolaalka Xujaajta ahi ku dhinteen, iyadoo Dalka Iiraan oo ka hadlay arrintan ay ku eedeeyeen Sucuudiga inay shilkii Xajka ka dhacay ay iyagu ka dambeeyaan, xurguf colaadeedna ay ka dhexeyso.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in 131-xaaji oo ka mid ahaa kuwii shalay ku dhintay xajka ay dalkeeda u dhasheen, 60-xaaji oo kalena ay kaga dhaawacmeen; inkastoo aanay sheegin rag iyo dumar sida ay kala ahaayeen.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Kacaanka Isaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamaynii ayaa sheegay in dawladda Sucuudigu ay si xun u maamuleen arrintan, taas oo uu sheegay inay dhalisay dhimashada xujaajta faraha badan.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Iran, Xasan Ruuxaani ayaa isna ku dhawaaqay in saddex maalmood oo baroor-diiq ah ay sameynayaan, si ay ugu murugoodaan xujaajta uga dhintay Xajka. Wuxuuna Sucuudiga ugu baaqay inay mas’uuliyada dhibaatadaas aqbalaan.

Kaddib Salaaddii Jimcaha ee Maanta ayaa waxaa Xarunta dalka Iiraan ee Tehran isugu soo baxay dadweyne badan oo dhigayay bannaanbaxyo, kuwaasoo ay Xukuumadda Dalkaas ku Tilmaantay inay ka Cadhaysan yihiin waxay ugu yeedheen karti xumada xukuumadda Sucuudiga.

Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee boqortooyada Sucuudiga, Jen. Mansuur Turki ayaa ku Baaqay isla maanta inaan lagu Deg-degin Shilkii ka Dhacay Xajka, isla markaana aan laga hor-dhicin baadhista lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Telefishin laga leeyahay dalka Saudi Arabia ayaa baahiyay maanta in Masar iyo Hindiya ay kaga geeriyoodeen shilkii xajka ka dhacay 14- xaaji, halka Dalka Pakistan ay uga dhinteen Todobada Xaaji, Aljeeriya iyo Indonisiya ayaa xusay in saddex qof ay uga dhinteen shilka.

Ugu dambeyn, Dawladda Marooko ayaa iyadana xustay in 78 xaaji ay uga dhinteen Shilka, Turkiguna ayaa sheegay inay Raadinayaan 18 xaaji oo aan la haynin, Dawladda Holland ay sheegtay inuu hal qof uga dhintay, halka Kenya ay sheegtay inay uga dhinteen saddex qof.