SUCUUDIGA: Haweeen La Doortay Markii ugu Horaysay Taariikhda Dalkaasi

 

Jiddah(SLpost)- Ugu yaraan afar haween ah, ayaa loo doortay xildhibaanimo markii u horreysay taariikhda dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia, kadib doorasho haweenka loo ogolaaday inay ka qaybgalaan.

Codbixinta Doorashada golayaasha deegaannada dalka Sacuudiga oo qabsoontay Sabtidii toddobaadkan, taas oo dumarku ka qaybgaleen tartanka kuraasta iyo cod-bixinta, ayaa ilaa hadda afar dumar ah oo ka mid ah murrashaxiintii ka qaybgalay ku guulaysteen kuraasta xildhibaanimada dhawr gobol oo kala duwan.

Guddiga Doorashada ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo natiijada hordhaca ah ee doorashada shaaciyey, ayaa ku dhawaaqay in laba dumar ah laga doortay gobolka Ixsaa, halka gobollada kale ee Makka iyo Tabuuk mid walba ay ka soo baxday hal gabadh ahi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa laga soo xigtay haweenayda laga doortay Makka lagu magacaabo Salma bint Hizab al-Oteibi, taas oo doorashada kursigaasi ay kaga adkaatay todoba nin iyo haweenay kale oo kula tartamayey.

Doorashadan ayay ku tartameen ku dhawaad kun dumar ah oo la xadiday awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada murrashaxnimadooda iyo waliba ilaa lix kun oo rag ah.

Waa markii u horraysay ee haween ka qaybgalaan tartanka iyo codbixinta doorashado Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo laga mamnuucay laba doorasho oo hore uga dhacay dalkaasi sannadihii 2005-tii iyo 2011. Sidoo kale, dumarka Sacuudiga waxa mamnuuc ka ahaa inay kaxeeyaan baabuurta.

Somalilandpost.net