Sucuudiga Oo Danaynaya Xabad-joojin, Si Gargaar Loo Gaadhsiiyo Dadka Reer Yemen Ee Ay Duqayntiisu Barakicisay

Riyaad, (SLpost)- Dalka Sucuudiga ee hogaaminaya xulafada dagaalka kula jira kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegay inay doonayaan in la sameeyo xabad-joojin, si hawl-wadeennada gargaarka loogu ogolaado inay dadka barakacay gaadhsiiyaan gargaar.saudi-arabian-ambassador-u-s-adel-al-jubeir

Wasiirka khaarajiga ee dalka Sucuudiga Adel al-Jubeir ayuu dhawaaqiisani kusoo beegmayaa, ka dib markii dhawaan xulafada Sucuudiga ee diyaaradaha ku duqaynaya Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta ah iska hor imaad ay isku haleeleen waqooyiga dalkaas ay ku dileen 30 qof.

Dawladda Sucuudiga ayaa kala tashan doonta xulafadeeda sidii loo heli lahaa meel cayiman oo gudaha Yemen ah oo lagu hakiyo diyaaradaha hawl-galka dagaal wada, isla markaana waqti cayiman la isla qaato, si hawshaasi u hirgesho.

 

Somalilandpost.net