SSUK oo Hambaleeyey Hoggaanka iyo Xildhibaannada Cusub ee Goleyaasha Deegaanka Laascaanood iyo Boorama

London (SLpost)- Madaxda iyo xubnaha ururka SSUK (Somaliland Soceity UK) oo xaruntoodu tahay magaalada London ee dalka UK, ayaa hambalyeeyey xildhibaannada Cusub iyo Hoggaanka loo doortay Goleyaasha Degmooyinka Borama iyo Sool.

War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Guddida SSUK ayaa sidoo kale lagu ammaanay xildhibaannada gobollada kale ee dalka, waxaana bulshada Somaliland loogu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyadooda.

SSUKWarsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan: “Guddida Somaliland Society UK waxa ay hambalyo iyo taageero buuxda u dirayaan golaha degaanka cusub ee gobalka Awdal degmada boorama iyo gobalka Sool degmada Laascaanood iyo dhamaan degmooyinka kale ee soo buuxiyay shuruudihii doorashada soona caleemasaaray xubnahii u matali laha golaha deegaanka maayir, maayir ku xigeen iyo xubnahii kalaba.

Gudida SSUK oo ku hadlaya magaca jaaliyada Somaliland ee dagan UK waxay soo dhaweynayaan sida sharafta, kolsoonida, iskuduubnaanta iyo aragtida dheer ee ay ka muuqato wadaninimadu isugu hambalyeeyey xilalka golayaasha iyo sida ay ula kala wareegeen xildhibaanadu masuuliyada golayaasha deegaanka degmooyinkan kor ku xusani.

Gudida SSUk iyo bulshada reer Somaliland eek u dhaqan Uk, waxay fariin codsi ah u dirayaan dhamaan gobalada kale ee Somaliland in ay ku daydan habsami u socodka iyo sida sharafta leh ee gobalaldan iyo degmooyinkani ku soo afjareen una soo magacaabeen xubnahoodii oo dhameystiran.

Guddida SSUK waxa ay sidoo kale ka codsanayaan dhamaan bulshada reer somalailnd in la ilaashado midnimada, wixii tabashooyin ahna loo gudbiyo hayadaha ku shaqada leh lagana wardhooro go’aamada ay ka qaataan arimaha socda…

Allaa mahad leh”

GUDIDA SSUK