Soomaliya oo Mabnuucday in Xusaska Lagu soo Dhawynaayo Sannadka Cusub iyo Kirismaska

Muqdisho (SLpost)- Dawladda Soomaaliya, ayaa soo saartay go’aan ay ku mabnuucayso in dalka gudihiisa lagu qabto xaflado lagu xusaayo sannadka cusub iyo Kirismaska sida ay Wasaaradda Diinta iyo Aw qaaftu ku dhawaaqday.

Tallaabadan oo kale ayaa uu qaaday Suldaanka ka taliya dalka saaliida qanniga ku ah ee Brunei oo sheegay in aa dalkiisa laga xusi karin sannad cusub ee miilaadiga iyo Kirismaskaba.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Soomalaiya Sheekh Maxamed Khayrwo, ayaa ciidammada ammaanka faray in ay joojiyaan cidda ay ku arkaan in ay isa soo urursadeen si ay Muqdisho ugu xusaan maalmahan.

“Dhammaan xaflada la xidhiidha kirismaska iyo dabbaal-dega sannadka cusub waxa ay ka soo hor jeedaan dhaqanka Islamka, waxaanay dhaawacyaaan caqiidada bulshada Muslimiinta ah, sidaa darteed lama arki karo wax arrimahaas ku saabsan,” ayuu yidhi Agaasime Sheekh Maxamed Khayrow.

Ku-xigenka Golaha Sare ee Islaamka ee Soomaaliya Sheekh Nuur Baruud Gurxan, ayaa laf ahaantiisu sheegay in Kirismaska xuskiisu ay sababi karaan in Al Shabab dadka weeraro ku soo qado, waxaannu wargeyska New Vision ee Uganda ka soo baxa u sheegay; “ Culima ahaan waxa aan ka digaynaa dabbaal-degyadaas oo aan diinta islaamka meelna ku lahayn. Dhacdooyinkan waxa ay sababi karaan in Al Shabaab weeraro dadka ku soo qaado.”