SOOMALHAAD: Gabay Ku Saabsan Tahriibka 

 
Curiye:Abdijibaar Aadan Gaas

1:Soddon Sano Waxaa Nagu Dhacay Seefta iyo Qawda
2:Sareceenna Aasmaye Mar hore Laga Saluugaayay
3:Seermawaydo Roobkii Madda’o Waana Sugaynaaye
4:Suryo iyo Waxaa lagujiraa Siriq Nafgooya ahee

 

5:Dadkii Wuu Sumooboo Waxbaa Waayo salaglayne
6:Salaasiin Bukaanoo mar hore dhiigu Suruqoobay
7:Salaasiin iyana uu Qabiil Seedda kala Gooyay
8:Salaasiin ka Taajiray mar hore sun iyo Waabaayo
9:Soosaarayaashuna Rasaas Nagu sirqaysiiye
10:Soomaali Sidii Weere Galay Tobanba Saad Aadyee

 

11:Socotadana Qaarbaa kutagay Taniyo Siinaaye
12:Soonkaba Badhbaa dhaafay oo Toora salagleeyay
13:Soddonaan kunbaa Saahidoo Oonta kaba Soomay
14:Sagaal Saniyo dheeraad badhbaa jeelka lagu Soogay
15:Soddon Saniyo dheeraad badhbaan waalidkood sabane
16:Saxarah Badhbaa jiifsadoo bahal Sarriigtaaye

 

17:Saaxillada badhbaa lagahelaa maydka Saxariiray
18:Soddon Wiil markii Aytagtaba Waa Lasugayaaye
19:Soddohaa Tahriiboo haddana lagasugaa maale
20:Sooyaalki Waa lagatagiyo Suubbanow Dhaqane
21:Diintiina laga socoyayo Sawraceed malehe

 

22:Suulkooda Qaarbaa Cunoo Ciilla saxariiray
23:Sanca iyo Badhbaa lagu Hayaa Saaxillada Xeeba
24:Sanggahoodi Qaarbuu lumoo Caydh lasaanyadaye
25:Abeer Soocan Geeloo Sinsiman Sawdho iyo Qaalin
26:Qaarbaa kasaahiday Inuu Seenyo Nalamaalo
27:Qaarbaa Sabeenaha Watoo Jaadna lagu Siine
28:Sirkhaannimo Badhbaa Doortay oo Maanka laga Saaray
29:Qaarbaan Samaan iyo Samaan Sawjadood Arage
30:Soddohohoodna Qaarbaan Aqoon Way Sahwiyayaane

 

31:Qaarbaa Socdaaloo Waqood Socod ku dheeraaday
32:Sayladaha Adduunyada Badhbaa Lagu Sargooyaaye
33:Sinahooda Iyo Laabta Iyo Sawraciyo Jiidhka
34:Badhbaa Loo Saffaaystaa Middiyo Lagu Surgooye
35:Sawsawle Qaarbaa mariyo Gagi Saboolwayne
36:Qaarbaa Suraafoobay Oo Saaqidnimo Doortay
37:Badhbaa Seeddiyadood caaya oo samaba loodiiday

 

38:Suuqyada Badhbaa maraya oo Salaqla Weedhaamay
39:Qaarbaa Siraad Iyo katagay Sawjadduu Qabayba
40:Sabigoodi Qaarbuu Lumiyo Siidhki Uu dhalayba
41:Qaar baa Sadkoodii Ragkale Lagu Sadqeeyaaye

 

42:Gobanimadi Way Suushay Oo Siidhxuun baajira’e
43:Saancaddaale Qaarbuu Latagay Sabarradiisiiye
44:Sinjidhaanimaa Soobaxdiyo Silic Qadhmuun Wayne
45:Qaarbaa Samaanyaha Gurtoo Lagu Sadqeeyaaye
46:Cudur uu Ilaah Saarikaro oo laga Saliilyoodo
47:Safmareen Dilaayaajira oon Daawo kuu Simine
48:Intaasoo Safaadaajiree See u Hurudnaaba
49:Saawiri Ninkii yeeshabay Seef u Noqotaaye
50:Saluuggiyo Haddii layska Naco Dhuuni Salaglaynta
51:Dhulkeenaa Saffaysane Nimcadu Kala Sullaacayso

 

52:Xeebaha Sinsiman Iyo Badaha lagu Sargooyeeyay
53:Sahay Haddaad Kaddoontana Sannado kaaba Madhanaynin
54:Sidaa Wabi Shabeelle iyo Jubbaa Nalagu Sooryeeyay
55:Annagoon Sabool iyo Ahayn Caydh Sad Lagawaayay
56:Soor iyo Anoon Waayahayn Subag ku Iidaaman
57:Sixin Iyo Anoon Waayahayn Seenyo Laga maalo
58:Sac La Maalo Saameel Dhulgoba Sawjad Iyo Luuli
59:Suusaca Darmaan Laga lisiyo Solayga Iiyaalla
60:Timirtiyo Sarreen ka Isbarkane Gadawga Iisaaran
61:Sinsinta iyo Canbaha Soohmay Iyo Beero Lagasiibo
62:Safrad Iyo Anoon Qabin Hungiyo Gaajo Lala Saaqmo
63:Suqul Iyo Anooy Iga Fogtahay Soor Xun Iyo Caato
64:Nin Sanaatti Doollara Watoo Xoolo Lagasiibay
65:Nimaan Geela Sawrici lahaan Seenyo Iyo Qaalin
66:Nin Samaan ka Caydhoo Mar hore Dhuuni Lagu Saaqay
67:Sabadiisa Nimay Gaajo Taal Suufna lagu Quudo
68:Sideen Ugu Hoydaa Maanyo Gaab Sulufay oo Caydha

 

69:Sange Xamariya Oo Taagan Oo koore Lagu Soohay
70:Sibraarkiina Uu Sudhanyahay Oo Sixintu Ceegaagto
71:Geeluna Nirgaha Saydhayo oo Dhayda Laga Siibo
72:Dixidiyo Saffaarkuna Sinmay oo Baadku kala Seexday
73:Gudguduhuna Uu Simay Nugaal Sabarradeedoo dhan
74:Aad Seere Mooddoo Nirgaha Baadku Sare Dhaafay
75:Baarqabkiina Uu Sabar Gottoo Dhabida Saydhaayo
76:Siniintiisu Ay Udugtahay oo Lagu Sirqaamaayo
77:Galaw Kiciye Sidisii Isana Uu Doobta kuba Suuxo
78:Saddex jeer Rakaadoo haddana Qaalmo Saminaaya
79:Siixawle Iyo Kubo Miduun Looga Sabo Ooday
80:Toggii Sarinka Waynaa Uu Biyaha Toban Sullaaceeyay
81:Ama Dhagaxa loo saaray uu lamaxda Sibaayo
82:Anigoo Sadkaygii Hayoo maalku Sabojoogo
83:Sideen Ugu Hayaamaa Nin Saad beelay Oo Bahallo Siisiibta
84:Nin Subxaanyadiyo Jiirka iyo Bahal ka Saadyeesha
85:Siilaanyadiyo Mulac Nimay Soor U Noqonayso
86:Sideen Ugu Hayaamaa Anoo Sabo Ugbaad jooga
87:Inkastoon Sariigtoo Afkay Saani ugu Sheego
88:Inkastoon Saxeex iyo kudhigo Suurad kala Gaara
89:Suugaanta Xeel Dheer Waxaan Saani Ugu Sheego
90:Waxaan Soo Sarbeebtoo Haddana Siriyo Caad Sheego
91:Soomaali Sidii Weere Galay Tobanba Saad Aadye

 

92:Sidii Ruux Dhagoola Ah Ayay Iga Sarriigtaane
93:Aniguna Sidaa kuma Hadhee Dhiillo Maysudhantay
94:War Sidaa kaddaayiyo Sidaa Saw Afkuba Maaha
95:Saw Saqaafe Nabadeed Ma Ihi Saban Walboo jooga
96:Waxaan Nahay Sabuul Baxaya Oo Soohdin kaleYaalla
97:Sokkeeyiyo Shesheeyana Marbay Wada Siraattaane

 

98:Hadduu ruux Socdaaloo Inbadan Socoto Dheeraado
99:Sahayduna Kamadhatuu Harraad Saaqmo Gabigiiba
100:Massolaan Biyuhu Maalintuu Ceelka Sarajoogo
101:Anna Semenkan oo kale Murtidu Way Issigaysaaye
102:Saqda Dhexe Habeenkii Waxaan Sare Usooboodo
103:Sadarrada Hal Doorka Ah Waxaan Sare U Qaadaayey
104:Boqol iyo Sagaal iyo Samtaan Kaa kusoo Simaye
105:Sidaaa Iyo Salaamiyo Alloow Samaha Noojeedi

 

 
Amiiiiin Amiin Amiiin