Dawladda Soomaaliya oo Midowga Afrika uga Cabatay Ciidamada Kenya ee Dalkeeda Ku sugan

Hasan Sh. MohamoudHargeysa (SLpost)- Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa cabasho xoogan ka muujisay hab-dhaqanka ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay xarunta midowga Afrika ee magaalada Addis Abbaba ee wadanka Ethiopia, oo maalintii shallay ahayd shir uga furmay ururka midowga Afrika, ayaa dhalliilay habdhaqankii ciidamada Kenya ku diideen Inay sugaan amaanka koox wasiiradiisa ka tirsan oo safar ku tagay gobolka Jubada Hoose xaruntiisa Kismaayo.

“Annagu ma doonayno inaanu eedayno Kenya, laakiin ciidamadooda qaybta ka ah, howl-galka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, waxay u dhaqmeen si xun , waxaanay weydaarteen xuduudii waajibaadkooda shaqo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xassan.

Ciidamada wadanka kulaala Soomaaliya ee Kenya, ayaa qayb ka ahaa ka saaristii ururka Al shabaab lagaga saaray deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka , gaar ahaana caasimada gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo sanad ka hor.

Magaalada Kismaayo ayaa ah , magaalo muran badani hadheeyey, kadib markii todobaad gudihii lagaga dhawaaqay 6 madaxweyne oo dhamaantood ku doodaya inay soo doorteen dadka deegaanku.

SOMALILANDPOST.NET