Soomaaliya oo Ethiopia ka raalli-gelisay taageerada ay u muujisay Masar, Mowqif Dhex-dhexaad ahna ka qaadatay Khilaafka labada Waddan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad

 

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa shaacisay inay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka la xidhiidha biyaha webiga Niilka ee u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad

Kulan dhawaan u qabsoomay dalalka ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta, ayaa qaraar ka soo baxay shirkaas, waxa taageero loogu muujiyey xaqa ay dowladda Masar u leedahay ka faa’idaysiga Biyaha Webiga Nile oo inta badan dhaqaalaha dalkeedu ku tiirsan yahay, iyadoo dowladda Soomaaliya oo kulankaas ka qayb-gashay ay qaadatay mowqifka Jaamacadda Carabta. Waxaana tallaabadaas ka cadhootay dowladda Ethiopia.

Haddaba, Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankeedaas hore iyadoo sheegtay inaanay dalalka Jaamacadda Carabta ku raacsanayn go’aankaas, dowlad ahaanna ay xilligan go’aan dhex-dhexaad ka qaadanayaan mowqifkaas, sida uu sheegay wasiirka Cawad oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya todobaadkii socdaal kedis ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo kulan kula qaatay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu dowladda Ethiopia ka raalli-geliyey taageerada dalkiisu u muujiyey dalka Masar isla markaana ay mowqifkaas ka laabanayaan dowlad ahaan, sida ay shaacisay dowladda Ethiopia oo sheegtay inay aqbashay raalli-gelintaas.

Waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya sheegay in Raysalwasaare Kheyre u sheegay dhiggiisa Ethiopia in dalkiisu dhex-dhexaadnimo ka qaatay xiisadda ka dhex aloosan labada waddan ee Masar iyo Itooya, isla markaana uu u soo jeediyey inay Soomaaliya ahaan dalbanayaan inay miiska wada-hadallada isu keenaan labada waddan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga dhawaajisay taageero ay u muujisay dowladda Masar, kaddib markii uu fashilmay kulan dhex-dhexaadin ah oo Maraykanku isugu keenay dowladaha wadaaga Biyaha Webiga Niilka, iyadoo dowladda Itoobiya ka-qayb-galka kulankaas ka cudur-daaratay, taas oo sababtay in dowladda Masar shaaciso go’aan ay ku sheegtay inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku heli karto inaanay waayi Biyaha Webiga Niil oo ay ka cabsi qabto inay yaraadaan kaddib marka ay dowladda Ethiopia Dhammeystirto Biyo-xidheenka ay samaynayso dalkeeda.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net