Soomaaliya oo Codsatay in Dib loo Bilaabo Wadahadalkii ay Jamhuuriyadda Somaliland la Lahayd

Hargeysa(SLpost)- Ra’iisul Wasaare-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ku sugan dalka Switzerland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyay dawladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Mr Carte ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isu tanaasulo, lana kala roonaado, isagoo tilmaamay in qofkii qaldan la saxo.

“Haddaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la isugu tanaasuli lahaa, hadii qofkan qaldan yahay inaad si wanaagsan u sixi kartid baa la rabaa, xaqa iyo waajibaadkana waxaa horeeya waajibaadka”ayuu yidhi ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in siyaasada ay noqoto mid isu tanaasul iyo dhex dhexaad, isla markaana aannay noqon mid xaqjirnimo ku jirto, si xal iyo dib u heshiisiin loogu soo dabaalo.

“Haddii wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland aannu bilaabmin waxay noqoneysaa inay xaalka halkii uun uu taagnaado, dhibteeda leedahay, xalka waxaa uu ku jiraa in wada hadalku bilowdo, markaas ayay dib u heshiisiin imaan kartaa”ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte

Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wali hakad ku jira, iyadoo wada hadalada ay fashilmeen badhtamihii sanadkan markii guddiyo ka kala socday labada dhinac oo isugu tagay Istanbul uu shirkooda qabsoomi waayay, markii Jamhuuriyadda Somaliland ay gaaashaanka u daruurtay inay la fadhiisato xubno ka mid ah guddigii Soomaaliya soo xushay oo ka soo jeeday deegaanada Somaliland.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net