Soomaaliya: Madaxweynaha Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyaha Banaadir ahaana Maayarka Muqdisho

Muqdisho(SLpost) – Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xilkii laga qaaday, sida uu xaqiijiyey afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys.

 

Sida uu sheegay afhayeenka, waxaa madaxweyne Xasan Sheekh uu Muungaab ku beddelay nin lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha, mana jiraan wax faahfaahinno dheeri ah oo arrintan ku saabsan.

 

Todobaadadii la soo dhaafay ayuu khilaaf u dhexeeyay Mungaab iyo Wasiirka amniga, kadib markii Mungaab hor istaagay waddooyin la xidhayay. Waxaa loo xidhayay wadooyinkaasi arrimo ammaan.