Soomaaliya: Khasaare ka dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga Al-Shabaab

Muqdisho (SLpost)- Dagaal culus ayaa duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ee dalkaasi Somaliya ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa weerar ku qaaday deegaanka Jilib Marka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, sida ay sheegayaan dadka ku sugnaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux ayaa la sheegay in dagaalkaas duleedka  Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Magaalada Marka ayaa la filayaa inuu tago Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net