Soomaaliya iyo Bankiga Afrika oo shir ku yeelanaya Dalka Tunisiya

Tunisia(SLPOST) Wasiirka arrimaha dibadda dowladda  Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay  gaadhay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisiya

Beyle-

waxaana wafdiga ka socda dowladda soomaaliya oo sidoo kale uu kamid yahay wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ku soo dhaweeyey halkaasi Wasiirka arrimaga dibadda ee dalka Tunisiya, Mongi Hamdi.

Wafdiga ka socda dalka soomaaliya ayaa maanta halkaasi kula shiraya  madaxweynaha bangiga horumarinta Africa, Donald Kaberuka oo ay kala hadli doonaan baahida dowladda Soomaaliya ay u qabto sidii ay ku heli laheyd ballan-qaadyada dhaqaale iyo mashaariic ku qotoma dib-u-dhiska Soomaaliya.

Shirkan oo ay labada dhinac ee soomaaliya iyo bangiga horumarinta Africa horey ugu ballameen in ay ku kulmaan dalka tunisiya oo ay ku taallo xarunta bankigaasi ayaa si gaar ah waxaa kulanka labada dhinac loogu eegi doonaa codsiyo ay dowladda soomaaliya u gudbisay bankiga iyo fulintaa balanqaadyo uu horey u siiyey bankiga horumarinta afrika dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wafdiga ka socda dowladda soomaaliya ayaa dalka tunisiya kula kulmi doona Wasiirro ka tirsan dowladda Tunisiya, waxeyna kala hadli doonaan sidii Tunisia maal-geshi uga sameyn laheyd Soomaaliya una taageeri laheyd intii karaankeeda ah dowladda soomaaliya.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Office

Somaliland