SOOMAALIYA: Heshiiskii Gaalkacayo oo Fashilmay iyo Dagaal Culus oo Dib u Bilaabmay

Gaalkacayo(SLpost)- Waxa shalay uun magaalada Gaalkacayo heshiis ku kala sexeexday madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug islamarkaana warbaahinta ka sheegay in ay xal ka gaadheen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, Si kastaba ha ahaatee waxaa goordhow uu dagaal xooggan ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan oo ah mid aad u xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoo dadka qaar ee degan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ay lasoo darastay xaalad adag.

In ka badan 10 ruux ayaa lagu warramayaa inay ku geeriyoodeen dagaalka, halka tiro 30-qof ka bandanna la sheegay in la dhigay isbitaallada, kuwaasoo qaarkood ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.


Goobjooge ku sugan Gaalkacyo oo La Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku yahay mid aad u xooggan oo ay dhin
acyadu isu adeegsanayaan madaafiic.

“Dagaal aad u culus ayaa socda, madaafiicdu waxay ku hoobanayaan xaafadaha magaalada, dagaalkuna waa uu socdaa, xaaladduna way kacsantahay,” sidaa waxaa yidhi Maxamed Cali Siyaad oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Gaalkacyo.

Arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa waanwaantii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada dalka ka jira.

Raysul wasaaraha dalka Soomaaliya, Madaxweeyneyaasha dawlad goboleedyadii nabadeynta u tagay Gaalkacayo iyo masuuliyiintii kale ayaa weli ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu imika ka socdo dagaalku.