Soomaaliya: Dhul-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya oo Khasaare u geystay Dekedda magaalada Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Dekedda Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaliya, ayaa waxaa ku dhuftay gellinkii dambe maanta ah Mowjado ka dhashay bad-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Dekedda ee caasimadda Soomaaliiya.

sawirroLa-taliyaha Maamulka Dekedda Muqdisho, Axmed Cabdi Wataac oo VOA-da la hadlayay ayaa sheegay in Mowjadahan maanta ku dhufatay dekedda Muqdisho ay sababeen khasaare burbur ah oo soo gaadhay dekedda iyo maraakiibtii ku xidhnaa qaarkood, laakiin aanay geysan wax khasaare nafeed ah.

“Mowjado biyo ah ayaa kasoo dul-booday Marsadii Dekedda Muqdisho ee ay Maraakiibtu ku xidhnaayeen, Saddex Markab oo Dekedda ku xidhnaa ayaa xadbigihii goostay, barxadihii la dhigi jiray Badeecooyinka Dekedda laga soo dajiyana Bur-bur ayaa soo gaadhay,” ayuu yidhi Axmed Wataac.

Sidoo kale, Wataac ayaa xusay in saaka markii ay shaqooyinka Dekedda billaabanayeen ay dareemeen in is-beddel uu ka jiro Badweynta Hindiya, Mowjadana ay ku dhufatay dekedda 3:00 galabnimo, kuwaasoo socday illaa 5:30 galabnimo ee Maanta.

“Barxadihii la dhigi jiray badeecooyinka Maraakiibta laga dajiyo dhamaantood burbur ayaa gaadhay, inkastoo khasaare nafeed aanay jirin, Waxaanan maqalnay in bad-gariir culus uu ka dhacay Jasiiradda Madagaskar iyo nawaaxigeeda,” ayuu intaas ku daray Axmed Wataac.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha soo gaadhay Dekedda Muqdisho, ayuu xusay inay burbureen laamiyadii iyo barxadaha badeecooyinka la dhigi jiray ee dekedda, ayna dhex-yaalaan biyo fara badan, isagoo xusay in haddii aan la dayactirin aanay suuro-galayn in Dekedda lagu sii shaqeeyo.

Su’aal u dhignayd; Khasaaraha Maraakiibtii ku xidhnaa dekedda soo gaadhay, ayuu kaga jawaabay “Saddex Markab ayaa dekedda ku xirnaa xilligaan, kuwasoo laba ka mid ah laga dajinayay Sokor, waxaana isku dhacay laba markab oo ka mid ah Maraakiibta, midkoodna uu Duleel gaadhay, ugu dambeynna bannaanka ayaan u dhignay Barroosinka, halkaas ayayna ku Xidhan yihiin.”

Ugu dambeyn, Axmed Wataac ayaa sheegay in hawlaha Dekedda ay mowjaduhu hakiyeen, isla markaana khasaare weyn uu soo gaaray dekedda, laakiin shaqaalihii ku sungaa xiligaas dekedda uusan soo gaarin wax khasaare nafeed ah.