SOOMAALIYA: Ciidammo Itoobiyaan ah oo Saaka la Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso-mareeb

 

Galgaduud(SLpost)-Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saaka ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.

Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inay ciidamadani la wareegaan garoonka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo horay u joogay garoonka ay ciidamadani ka eryeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in garoonka uu ka mid yahay goobo loo asteeyay inay saldhigyo ka dhigtaan ciidamada ee ku sugan magaaladaas.

Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay doonayaan in ay dib u furaan garoonka Dhuuso-mareeb, kaasoo in muddo ah aan shaqeyn, inkastoo weli aysan jirin cid arrintan si rasmi ah ugu dhawaaqday.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu magaalada Dhuuso-mareeb ka furmo wadahadallo ay yeelanayaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo lagu xallinayo khilaafyo labada dhinac u dhexeeyay.

Ugu dambeyn, taliska AMISOM oo ay hoos-tagaan ciidamada Itoobiya iyo Dowladda FS ayaan weli ka hadlin la wareegidda ay ciidanka dalka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay la wareegeen garoonka degmada Dhuuso-mareeb.

Si kasta ha ahaatee, shacabka ku nool daafaha garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in ciidamada la wareegay garoonka ay yihiin kuwo ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah.