SOOMAALIYA: Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland oo Doortay Guddoomiye

Garoowe(SLpost)-Xildhibaanada Baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland  ayaa maanta doortay gudoomiye cusub oo badali doona gudoomiyihii hore ee ay xilka ka qaadeen.

Kulan ay maanta magaalada Garoowe ku yeesheen xildhibaanada maamulka Puntland  ayey ku doorteen gudoomiye cusub oo hogaamin doona baarlamaankaasi.

Xilka gudoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Puntland  ayaa waxa ku tartamay Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Dareed iyo xildhibaan Axmed Cali Xaashi, tartankaas oo uu ku guulaystay xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo helay codad dhan 41 halka xildhibaankiila tartamayey uu helay 22 cod.

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somaliya Axmed Cali Xaashi oo hadal kooban jeediyey doorashada ka dib ayaa u mahad celiyey xildhibaanada codkooda siiyey, waxaanu tilmaamay inuu shaqadiisa u gudan doono si hufnaan ah, waxaanu yidhi “waan la socda waxaan qaaday masuuliyad aad u weyn, waxaanan rajaynayaa inaan uga soo baxo sida ay tahay,, waanan u mahad celinayaa cid kasta oo ii codaysay iyo cid kasta oo doorashadayda ku faraxday.”

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyey musharaxii kale ee la tartamayey waxaanu u rajeeyey guul “musharaxa ila tartamayey guul ayaan u rajaynayaa doorashooyinka danbe, waxaana dhamaanteen ina hortaala hawlo badan oo u baahan in wax laga qabto.”