Soomaaliland Ma Buuxisay Shuruuddaha Aqoonsiga? – W/Q: Cabdiraxmaan Daa’uud

Abdi H DaudSomaliland waxay madax-banaaniddeedii dib ulasoo noqotay 18 Meey 1991. Laga bilaabo wakhtigaas, Soomaaliland waxay ku guulaysatay in ay dhiddibada u taagto nidaam ku dhisan dimoqraadiyad: (1) dowlad ka kooban saddex waaxood—Waaxda Fulinta, Waaxda Sharci Dejinta iyo Waaxda Garsoorka/Maxkamada (ujeeddada saddexdan waaxood loo sameeyeyna waxay tahay in aanay awooda dowladdeed shakhsi ama koox keli ah gacanta ugu gelin); (2) doorashooyin xor-iyo-xalaal ah; (3) saddex xisbi qaran (Kulmiye, WADDANI, iyo Ucid); (4) warbaahin maddax-banaan; (5) xoriyadda urrurrada aan dowliga ahayn, xoriyadda iskaashatooyinka, iyo xoriyada qowlka (xoriyatul-qowlka); (6) lacag iyo baasboor u gaar ah, iyo wixii la mid ah. Sidaa awgeed, Soomaaliland waxay uga fadhidaa beesha caalamka in ay aqoonsiga ay xaqa u leedahay si dhakhso ah u siiyaan.

Iyadoo Soomaaliland buuxisey shuruudihii dowlad dimoqraadi ah looga baahnaa oo dhan, haddana waxay kusii darsatay in ay buuxiso shuruudihii looga baahna in uu soo buuxiyo waddan aqoonsi raadinayaa. Shuruudahaas ay Soomaaliland soo buuxisayna waxaa ka mid ah:

a)     In aanu jirin (horena u jirin) wax sharci ah oo ay Soomaaliland iyo Soomaaliya kala saxeexdeen oo ku saabsan in ay waddan kaliya wada noqdaan, sidaa daraaddeedna aanu jirin wax sharci ah oo isu haya Soomaaliland iyo Soomaaliya.

b)    In Soomaaliland ay buuxisey dhamaan shuruudihii lagu ansixiyey Montevideo Convention (Shirkii Montevideo) ee beesha caalamku ku ansixisay shuruudaha looga baahanyahay in waddan kasta oo aqoonsi raadinayaa uu soo buuxiyo.

c)     In Soomaaliland ay buuxisay shuruudaha ku xardhan Qodobka 4(b) ee Afrikan Union Charter-ka ee qeexaaya heshiiska xaduudaha Afrika.

d)    In qaddiyada aqoonsi raadiska Soomaaliland ay la mid tahay qadiyadaha waddamada kale ee aqoonsiga la siiyey ee aduunka.

e)     Sababta ilaa iminka loo aqoonsan-la’yahay Soomaaliland oo aan ahayn dhinaca sharciga, laakiinse ah dhinaca siyaasada.

a) Sharci Isuma Hayo Soomaaliland iyo Soomaaliya

Dad baddan oo aan taarkiikhda daraasayn ayaa aaminsan in Soomaalidu ay ahaayeen dad uu ka dhexayn jiray waddan ama dowladi, intii aanu gumaysigii reer Yurub inoo imanin. Fahamka noocan ahi waa mid aad u khaldan marka aad deristo taariikhda Soomaaliland iyo Soomaaliya. Intii aanu gumaysigii reer Yurub carriga Soomaalidu degto imanin, Soomaaliland iyo Soomaaliya waxay kala ahaayeen labba deggaan oo aanay wax waddan, dowlad ama maamul ahi ka dhexaynin. Xidhiidh ka dhexeeyey labbada deggaan oo la sheegi karaana muu jirin, sida ka muuqata taariikhda, suugaanta, iyo sheekooyinka Soomaalida.

In ay labbadan deggaan ay xidhiidh wada-yeeshaana waxaa kalifay saddex arrimood oo isla xidhiidha. Arrinka koowaad wuxuu ahaa in qabiilooyinkii kala duwanaa ee Soomaalidu ay ku baraarugeen in ay jiraan qabiilooyin kale oo ay isku af iyo diinba yihiin oo meelo kala fog-fog deggani. Arrinka labbaadna wuxuu ahaa, markii deggaanka loo yaqaan “Reserved Area” iyo “Hawd” uu Ingiriisku siiyey dowladii Itoobia sanadkii 1954, taas oo aad uga cadhaysiiyey oo midaysay (niyad ahaan) umadii ku hadli jirtay afka-Soomaaliga dhamaantood. Arrinka saddexaadna wuxuu ahaa, in Soomaaliland ay aad ugu riyoonaysay sidii ay isugu keeni lahayd oo ay u midayn lahayd umadda ku hadasha afka-Soomaaliga, taas oo markii danbe dhicisowday oo dhibaatooyin aad u farabaddanina ay kasoo gaadheen Soomaaliland.

Ka-dib markii Soomaaliland ay heshay madaxbanaaniddeedii 26kii Juun, 1960, waxaa markiiba aqoonsi buuxa siiyey shan-iyo-soddon dowladood (sida, USA, UK, Egypt, iwm) oo Qaramadda Midoobay ah (United Nations). Nasiib darro, Soomaaliland waxay dowlad maddax banaan ahayd muddo shan cisho oo keliya. Wufuud ka kala socotay Soomaaliland iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey sidii loo mideyn lahaa ee laysugu dari lahaa labbada waddan. 27kii Luulyo, 1960 ayaa golihii Sharci Dejinta ee Soomaaliland uu ansixiyey qoddobadii loo yaqaanay “Act of Union” oo ay ku xardhanaayeen shuruudihii isku-darka labbadda waddan, waxaanay u direen golihii Sharci Dejinta ee Soomaaliya iyagoo filanaayey in golahaasi uu soo ansixiyo qoddobadaas. Laakiin golihii Sharci Dejinta ee Soomaaliya muu ansixinin qoddobadaas maney saxeexin. Markay ahayd 30kii Juun, 1960 ayaa golihii Sharci Dejinta ee Soomaaliya uu ansixiyey qoddobo ka duwan kuwii ay Soomaaliland ansixisey oo loo yaqaanay “Atto di Unione,” laakiinse Soomaaliland way diiday in ay ansixiyaan qoddobadan cusub ee Soomaaliya ansixisey. Labbaddan qoddob ee kala duwan ee uu midna soo ansixisey Soomaaliland (Act of Union) midna ay Soomaaliya (Atto di Unione) soo ansixisey, layskuma raacin oo midna lama saxeexin. Saxeex la’aantan iyo ansixin la’aantannina waxay labbaddaba ka dhigtay qoddobo aan sharci ahayn oo aan lagu dhaqmi karin.

Maadaama aan la saxeexin oo aan la ansixin qoddobadaas midkoodna, ayaa maddaxweynihii wuxuu saxeexay dikreeto (presidential decree) ah in labbada waddan isku darsaddaan inta isku-biirsi sharci ahi dhacayso. Laakiin dikreetadan maddaxwaynaha lafteeda lama saxeexin. Dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee waqtigaas, lifaaqiisa 63(3) wuxuu dhigaayey in dikreetada maddaxwaynaha la hor keeno golaha sharci dejinta si ay u ansixiyaan oo uu sharciga uga mid noqdo muddo shan cisho guddahood ah. Hadii dikreetada maddaxwaynaha aan la ansixinin muddada shanta cisho gudahood ahna, sharcigu wuxuu dhigaayey in “dikreetadaas waqtigeedii dhamaaday” oo aanay sharciga ka mid ahayn. Sidaa awgeed, dikreetadii maddaxwaynuhuna waqtigii loo qabtay ayey dhaaftay oo lama saxeexin, sharcigana kamay mid noqon.

Markaad arimahaas oo dhan eegto, waxay ku tusayaan in wax sharci ah oo isu haya Soomaaliland iyo Soomaaliya aanay jirin haba yaraatee, sababtoo ah labbada dowladood si sharci ah umay kala saxeexan in ay isku biiraan oo ay noqdaan dowlad midaysan. Marka ay labba waddan isku biirayaana waxaa sharci ah in ay labbada dhinacba saxeexaan qoddobo ay ku heshiyaan oo aan laga bixi karin, laakiinse may dhicin. Arinkani wuxuu aad u fuduydiyey in ay Soomaaliland u sahlanaato sidii ay u heli lahayd aqoonsigeeda.

Laakiinse waxaa jira shuruudo kale oo laga rabo in ay Soomaaliland soo buuxiso si ay u hesho aqoonsigeeda. Sharciga beesha caalamku wuxuu dhigayaa shuruudo laga rabo dowlad kasta oo doonaysa in ay gaar isu taagto oo ay aqoonsi hesho. Waxaa is waydiin leh, Soomaaliland shuruudahaas ma buuxisay? Bal aynu jaleecno.

b) Shirkii Montevideo

Markii ay taariikhdu ahayd 26kii Diseembar, 1933, ayaa waxaa shir lagu magacaabay Montevideo Convention on the Rights and Duties of States (Shirka Montevidoe ee Xuquuqda iyo Xilalka Qaramada) lagu qabtay magaalada Montevidoe ee dalka Urugwaay (Uruguay). Shirkan waxaa lagu ansixiyey in waddanka doonaaya in uu aqoonsi helo oo uu noqdo waddan madax-banaan uu buuxiyo afar shuruudood. Afar-ta shuruudoodna waxay kala yihiin:

  1. In uu waddanku yeesho qowmiyad rasmi u deggan.
  2. In uu yeesho xudduud cayiman.
  3. In uu yeesho dowlad, iyo
  4. In uu xidhiidh la leeyahay dowladaha aduunka.

Sidaa daraadeed, waddanka doonaaya in uu noqdo dowlad madax-banaan ee afar-tan shuruudood soo bixiyaa, waxaa uu sharciga aduunku u aqoonsanayaa qaran madax-banaan. Inagoo ka duulayna shuruudaha Montevideo, bal aynu jeedaalino in Soomaaliland ay buuxisay afar-tan shuruudood.

ü Shuruuda koowaad, Soomaaliland waxay leedahay qowmiyad si rasmiya u degan waddanka oo lagu qiyaaso in ka badan 3.6 million qof. 31kii Maayo, 2001, waddaniyiinta reer Soomaaliland boqolkiiba toddoba iyo sagaashan (97%) waxay u codeeyeen gooni isu-taaga Soomaaliland.

ü Shuruuda labbaad, Soomaaliland waxay leedahay xadduud cayiman oo gaadhaysa 137,600 km2. Soomaaliland waxay xaddad la leedahay waddamo ay ka midka yihiin: Itoobiya oo ka xigta dhinaca galbeed, Puntland oo ka xigta dhinaca bariga, Jabuuti oo ka xigta dhinaca waqooyi galbeed, iyo Xeebta Yaman oo ka xigta dhinaca waqooyiga.

ü Shuruuda saddexaad, Soomaaliland waxay leedahay dowlad si dimqoraadiyad ah loo soo doorto. Dowlada Soomaaliland waxay ka kooban-tahay saddexda waaxood ee dhaqanka u ah dowlahada dimoqraadiga ah: waaxda fulinta oo ka kooban Madaxwaynaha, Madaxwayne Ku-Xigeenka, iyo Golaha Wasiirada; waaxda sharci dejinta oo ka kooban labba gole, Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida; iyo waaxda Garsoorka ama Maxkamadaha. Doorashooyin xor iyo xalaal ah ka dib, Soomaaliland waxay ku guulaysatay in ay dhisto dowlad dimoqraadi ah oo nooceeda oo kale aan lagu arkin Geeska Afrika. Umada reer Soomaaliland waxay si cilmiyeysan oo qoto-dheer isugu milleen labba maamul oo aad u kala duwan: hab-maamulida kasoo jeeda dhaqanka reer Soomaaliland iyo hab-maamulka casriga ah.

ü Shuruuda afraad, Soomaaliland waxay heshiisyo dhaqaale iyo siyaasadeed la leedahay dowlado aad u baddan oo ay ka mid yihiin: Itoobiya, Jabuuti, Kiinya, Gaana, Ingiriiska, Biljamka, Fransiiska, Koonfurta Africa, iyo qaa kale oo aad u badan.

Sida kor ku xusan, Soomaaliland waxay buuxisay shuruudihii sharciga beesha caalamka u yaalay ee laga rabay oo dhan, si ay u noqoto dowlad madax-banaan. Laakiin wali waxaa jira dad badan oo ku doodaaya su’aal soo noq-noqota oo ku saabsan sharcinimada xuduudaha Soomaaliland. Jawaaabta su’aashan waxaynu si fudud uga dheehan karaan sharciga Afrika u yaala ee loo yaqaan African Union Charter.

c) Muqadis-nimada Xadka Soomaaliland

Waxaa jirta dood aan taariikh iyo cilmi-toona ku salaysnayn oo ku saabsan xuduudaha Soomaaliland. Doodaasi waxay tibaaxdaa in xudduuda u dhexaysa Soomaaliland iyo Soomaaliya aanay ahayn mid sharci ah, sidaa awgeedna aan lagu dhaqmin laguma xisaabtamin, sababtoo ah waxaa xuduudaas sameeyey gumaysigii reer Yurub oo ma’aha mid ay Soomaalidu samaysatay. Doodan soo noq-noqotaa kuma salaysna taariikh, sharci, iyo aqoon midna. Marka laga hadlayo taariikhda Soomaalida, sidii aan ugaga hadlay maqaalkaygii hore ee ku qornaa afka-Ingiriisiga, ciwaankiisuna ahaa What Went Wrong? Why southern Somalia Failed and Somaliland Succeeded? Soomaalida badankoodu waxay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah (iyo dad tiro yar oo beeraley ah). Dadkaasu waxay ku noolaayeen dhul aad u kala durugsan oo ay ku dhaqanyihiin qabiilooyin kala duwan oo aad u fara badani. Qabiilooyinkaas mid waliba wuxuu deganaa meel u gaar ah oo uu iska leeyahay kana ilaashado qabiilooyinka kale. Sidaa daraadeed, may jirin dhul ama maamul ka dhexeeya qabiilooyinkaas kala duwani, waqtigii gumaysigii reer Yurub ka hor. Xudduudahan u dhexeeya qabiilooyinkuna waligiiba way jireen ee may ahayn mid uu inoo keenay gumaysihii reer Yurub. Laakiinse waxaa jira in xudduuda maanta u dhaxaysa Soomaaliland iyo Soomaaliya ay tahay mid si cayiman ay u sameeyeen gumaysigii reer Yurub. Taas macnaheedu ma’aha in aanay xaddaddkaasi ahayn qaar sharciyeysan. Xaddaddkan uu ka tagey gumaysigii reer Yurub in ay sharci yihiin iyo in kale waxaynu ka heli karnaa oo jawaabteedu ku dheehantahay sharciga u yaala qaarada Afrika ee loo yaqaano African Union Charter.

Sharciga ay dhigteen dowladaha Afrikaanka ah wuxuu cadaynayaa in xudduuda u dhexaysa Soomaaliland iyo Soomaaliya ay tahay xudduuda sharciga ah, sida ku qeexan Qoddobka 4(b) ee African Union Charter-ka Qaybtiisa AHG/Res. 16(1) oo ka hadlaysa “Khilaafaadka Xudduuddaha Africa” kaas oo ay dowladaha Afrikaanka ahi ku ansixiyeen kulankii ay ku yeesheen Qaahira laga bilaabo 17kii illaa 21kii Luulyo, 1964. Qoddobkaasi wuxuu qeexayaa in dhamaan “dowladaha oo dhami ay aqoonsadaan oo ixtiraamaan xudduudaha jiray markii ay qaateen xornimadooda,” luqada Ingiriisigana sidan u qoran: “States pledge themselves to respect the borders existing on their achievement of national independence.” Qoddobkani wuxuu si cadaan ah u qeexay in xaddadka sharciga ah ee ka jira Afrika ay yihiin xaddadkii jiray markii waddamada Afrikaanka ahi ay lasoo noqdeen xoriyadoodii. Xaddadkaas jiray oo ahaa kuwii uu ka tagay ama uu jeexay gumaysigii reer Yurub.

Haddaba inagoo raacayna oo ixtiraamayna sharcigan u yaala qaarada Afrika, bal aynu eegno in xudduuda u dhexaysa Soomaaliland iyo Soomaaliya ay sharci tahay iyo in kale. Sidii aan hore usoo sheegnay, markii Soomaaliland iyo Soomaaliya ay lasoo noqdeen xoriyadoodii, xadkii waqtigaas jiray wuxuu ahaa xadka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya. Taasi waxay inoo cadaynaysaa in xadka ay Soomaaliland leedahay ee iminka jiraa uu yahay xadka sharciga ah ee u dhaxeeya labbada waddan, inaga oo tixraacayna, ixtiraamayna, oo aan ku xad gudbayn African Union Charter-ka. Sidaa awgeed, Soomaaliland waa waddan leh xad u gaar ah oo sharciyeysan, waana waddan buuxiyey sharciga iyo shuruudaha African Union Charter-ka, xaqna u yeeshay in la aqoonsado.

d) Waddamada Kale ee La Aqoonsaday

Taariikhda aduunka kuma cusba in waddan uu go’aansado in uu madax-banaanidiisii dib ugalasoo noqdo waddan uu wax la qaybsi la lahaa, sharciga aduunkuna wuu dhigayaa. Waxaa jiray oo illaa iminkana jira dowlado aad u tirro baddan oo dib ulasoo noqday madax-banaanidoodii. Dowladahaas badankoodu ama dhamaantooduba waxay dhinacyo baddan iskaga mid yihiin Soomaaliland. Dowladahaas hadii aan ka tilmaamo qaar ka mid ah iyo waqtiyadii ay heleen aqoonsigooda, waxaa ka mid ah:

  • Ø 09kii Luulyo, 2011 Jamhuuriyada Koonfurta Suudaan waxay madax-banaanideedii ka qaadatay waddankii laysku odhan jiray Sudan
  • Ø Sanadkii 2002 waxay East Timor dib ugala noqotay madax-banaanideedii waddanka Indooniisiya
  • Ø 25 Diisambar, 1991 waddankii laysku odhan jiray USSR wuxuu u kala goo-go’ay konton dowladood, sida Latvia, Estonia, Lithuania, iwm
  • Ø Sanadkii 1990 waddankii laysku odhan jiray Yugoslavia wuxuu u kala baxay Slovenia, Croatia, Bosnia and Herzegovina, Macedonia, Montenegro, Servia, Kosovo, Vojvodina
  • Ø Sanadkii 1993 Eritrea waxay madax-banaanideedii ka qaadatay waddanka Itoobiya
  • Ø Waddankii loo yaqaanay Senegambia wuxuu u kala baxay waddamada iminka loo yaqaan Senegal iyo Gambia.

Tusaalayaashan aan soo qaatay oo dhami waxay ina tusayaan in Soomaaliland arrinkeeda madaxbanaanidu aanu ka duwanayn dowladahaas aan soo xusay oo dhan.

e) Arimaha Siyaasadeed ee Aqoonsiga Soomaaliland Hor-taagan

Qoddobadaas iyo sharaxaadaas aynu kor kusoo xusnay waxay inoo cadeeyeen in Soomaaliland ay xaq u leedahay in aqoonsi buuxa la siiyo, marka laga eego dhinaca sharciga aduunka, sharciga Afrika, iyo dhinaca taariikhdaba. Waxaase is waydiin leh: hadii ay Soomaaliland ahayd dowlad madax-banaan sanadkii 1960kii, oo aanay waligeed ka mid noqonin Soomaaliya sharci ahaan, oo ay madax-banaanideedii lasoo noqotay sanadkii 1991; oo ay buuxisay sharciyadii u yaalay aduunka ee laga rabay, oo ay buuxisay sharciyadii u yaalay qaarada Africa, oo ay buuxisay sharciyadii Montevideo, maxaa loo aqoonsan waayey? Runtii waa su’aal aad u muhiim ah, oo kusoo deg-degaysa qofka maskaxdiisa markiiba. Su’aashan jawaabteeduna ma khusayso dhinaca sharciga ee waxay khusaysaa dhinaca siyaasada.

Marka aad taariikhda aduunka eegto, waxaad ogaanaysaa in ay jiraan waxyaabo aad u tiro-baddan oo uu sharcigu ogolyahay, laakiinse loo hirgalinwaayo ama dib loo dhigo siyaasada jirta awgeed. Hadaba arinkan ku saabsan dib u dhigista aqoonsiga Soomaaliland waa mid ku salaysan dhinaca siyaasada. Aan soo qaato labba tusaale oo ka mid ah. Ta koowaad, waddamada badankoodu (gaar ahaan kuwa Afrikaanku) way ogyihiin in Soomaaliland ay buuxisay shuruudihii laga rabay oo dhan, sida ay ku cadeeyeen qoraaladooda ka dib markii ay booqdeen ee ay baadhitaan kusoo sameeyeen Soomaaliland. Laakiinse waxay cabsiyi kaga jirtaa in hadii ay Soomaaliland siiyaan aqoonsi, ay dowlado kale oo Afrikaan ahina ku dayan doonaan (oo iyana ay raadin doonaan gooni isu-taag) oo markaas ay dhibaato hor lihi ka bilaabmato qaarada Africa . Laakiinse cabsidani runtii ma’aha mid sal iyo raad toona leh.

Ta labbaad, waddanka Masar (Egypt ) oo uu khilaaf siyaasadeed in mudo ahba ka dhexeeyey waddanka Itoobiya, kaas oo ku saabsan Wabiga Niilka, ayaa saamayn ku yeeshay aqoonsiga Soomaaliland. Waddanka Masar wuxuu ka baqayaa in hadii ay Soomaaliland iyo Soomaaliya ay labba waddan noqdaan, in ay Itoobiyaanku yeelan doonaan awood aad u saraysa oo khatar ku ah waddanka Masar, khaasatan dhinaca Wabiga Niilka. Sidaa awgeed, waddanka Masar wuxuu doonayaa in uu isku hayo Soomaaliland iyo Soomaaliya si ay u noqdaan quwad uu ka horjeediyo waddanka Itoobiya, si uu u hirgaliyo siyaasadiisa ku aadan Wabiga Niilka.

Su’aashu waxay tahay, sidee ayay Soomaaliland uga gudbi doontaa carqaladaha siyaasadeed ee hor-taagan aqoonsigooda? Jawaabtu waxay u taalaa umadda reer Soomaaliland in ay si qoto-dheer ugga wada hadlaan oo ay u helaan xalkii laggaga gudbi lahaa carqaladda siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Xuseen Daa’uud

Hargaysa, Soomaaliland

Qoraagu wuxuu diyaarinayaa shahaaddada PhD oo takhasuskiisu yahay Educational Leadership oo uu ka barto Northcentral University kuna taala dalka Maraykanka. Waxaad kala xidhiidhi kartaa: abdihdaud@yahoo.com