Soomaalilaan Ka Weyn 1991-dii

 

Dhacdo iyo afarteeda dhardhaar, sababtii keentay, saamayntii ay la timid, goobtii iyo goortii iyo gorfaynteeda ayaa ay ka timaaddaa maaddada weyn ee loo yaqaan: taariikh. Dhacdadaa iyo kuwo badan waxa ay sii balballaadhiyaan sooyaalka. Shan arrimood kama maarmo qofka taariikhda aqoon ahaan u barta ama waaya’aragnimo ku hela. Afar waa tiirar, oo waa afartaa kor ku xusan, mid na waa dhaqan, oo waa caddaalad. Shantaa qofka ay ka wada maqan yihiin ama midh ka maqan yahay, waxa laga sugo waa in uu sooyaalka, ugu yaraan tushuush ku furo.

Dhiganaha la farafareeyay ee loo yaqaan ‘Muqaddimah’ ee uu qoray buunigii filosoofka ahaa ee Ibnu Khalduun IHUN, waxa uu aad iyo aad uga ga hadlay muhiimadda ay lee dahay taariikhda iyo ilaalinta rukunnadeeda.

Somaliland iyo Somalilands qofka aan kala aqoon mugga fikir iyo siyaasad ee u dhexeeya; qofka juqraafiga siyaasadeed ee guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waqooyi-galbeed aqoon; qofka aan kala saarin karin danaha dhaqan iyo siyaasadeed; qofka Soomaalilaanta siyaasiga ah sidii ay u dhisantay iyo heerrarkii ay soo martay (eegga na marayso) ogaal iyo waaya’aragnimo shishe u lahayn; ee xogta uu hayaa ay tahay aabbahay ayaa sidaa igu yidhi, adeerkay oo sidaa lahaa ayaa aan maqlay iyo awoowe oo sii dhimanayey ayaa intaa ii sii guntay; waa qof in uu, si toos ah, uga madhan yahay aqoonta sooyaalka ka dambow, garasho ahaan aad u liita, oo xadhko aan muuqanin maankiisa, si adag, ugu xidhan yihiin!

Gebagebo. Mar mar waxa aan is weyddiiyaa: Soomaalilaan ma dadkii 1991-dii ka horreeyay ayaa xogteeda haya, mise dadkii maalintii Axadda dhashay? Iyo Soomaalilaan yaa wax laga weyddiinayaa? Gunaanadkii, arrin ayaa ii muuqata oo sanadihii dambe soo labakaclaynaysay. Imisa ayaa aan lahaa dhallinta yar yar yar yaa aan la waalin, khuraafaad iyo khusacbalaat loogu sheekayn, oo nolosha laga ga cayaarin. 24 jirka maanta waa moogane weyn. Oo weyn!!!

Maxamed Cabdirisaaq