Soomaalida aan sharciga haysan ee ku xidhan xabsiyada Kenya oo dalkooda dib loogu celinaayo

KENYA (SLPOST) :- Safaaradda Soomaalida ee  magaalada Nairobi ayaa shaacisay in la celin doono boqolaal Soomaali ah oo ku jira xabsiyada magaaladaas, markii lagu qabtay hawlgalo laga sameeyey xaafada Islii toddobaadkii hore.

CaliAmerica

Maxamed Cali Ameeriko oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa u sheegay weriyaasha in ay dadaal ugu jiraan in la sii daayo Soomaalida xidhan, balse keliya la fasaxayo kuwa sharciga leh baadhis dheer kadib.

Wuxuu cadeeyey safiirku in qorshaha Kenya uu yahay in la celiyo dadka soomaalida ah ee xidhan ee aan imika haysan sharciga ama dhalashada dalka Kenya.

“Insha ayaan ku haynaa dadka la xidh xidhay, safaarada ayaa kala shaqaynaynaa in la sii daayo soomaalida sharciga dalka helay ee xidhan, kuwa kalase waxaa loo duulinaya Soomaaliya.” Ayuu yidhi Amb. Maxamed Cali

Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale wadda qorshihii dib loogu celin lahaa dadkaa aan sharciga lahayn si ay noloshooda uga amba-qaadaan gudaha dalka, madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh ayaa dhigiisa Kenya kala hadlay toddobaadkii hore xuquuqda Soomaalida la xidh xidhay.

In kastoo badankood la sii daayey haddana toddobaadkii hore waxaa Nairobi lagu qabtay 670 qof oo baadhis lagu sameeyey, kuwaas oo la qabtay markii qarax ka dhacay jidka 11-naad ee xaafada Islii magaalada Nairobi.

Dawladda Kenya ayaa goor hore ugu baaqday Soomaalida degan magaalooyinka ee aan sharciga haysan in ay ku noqdaan xeryaha. Kenya sidoo kale waxay weli ku adkaysanaysaa in dhaqso loo celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha ay Dhadhaab ka mid tahay.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland