SOOMAALI BAAD TAHAY! DAYAXAAGUNA WAA 15AAD! AABBE LA DARDAARMAY WIILKIISII/INANTIISII

Aabbe, Waxaad tahay Soomaali! Waxaad tahay dayax 15aad ah! Waxaad tahay qof leh hanti dihin oo aan wali la daah furin iyo diin suuban oo huffan. Waxaad ka dhallatay dadka aduunka ugu qabka wayn oo aan quursiqa qaadan haday xitaa dayacan yihiin, arradan yihiin ama gaajoonayaan!

Waxaad leedahay 15-ka sifo ee hoos ku qoran. Waxa laguu cadaadinayaa ama laguu kala qaybinayaa waa cabsi laga qabbo qabkaaga, hankaaga & ragganimadaada oo dadka qaarkii u turjunteen islawayni. Libaax qoyay ayaad tahaye ma tihid dawaco macaluushay, aabbe!

Wakhtiyada adag ha u bixin! Dagaallada & collaaduhuna yaanay ku niyad jabinin! Hadday dheeman dhoobo ku dhacdo wali waa dheementeedii! Waxase kaliya oo ay u baahan tahay waa uun biyo raacis iyo in boodhka laga afuufo!

Afkaagu waa Soomaali, Araggaaga suubani waa Soomaali, Waxaad tahayna waa Soomaali! Waxaadna tahay bir-lab, waqtigii aad nuuri lahaydna wuu soo dhaw yahay. Aabbe, adkayso muddo yar, liibaanta waad gaari doontaa inshaa Allaah! Bal daalaco sifooyinkan dalkaaga iyo dadkaagu leeyihiin:

1 Dadkii ugu horeeyay ee ogaaday inay duummada keento kaneecadu

2 Dadkii ugu horeeyay ee African ah oo diyaarad lagu soo weeraray(Taleex)

3 Dadka leh xeebta Africa ugu dheer (3025 km)

4 Dadka ay ka dhasheen gabdhaha aduunku ugu quruxda baddani

5 Dadka ay ka dhasheen ragga ugu dheereeyaa (Cabdi Bille, Mo Farah)

6 Dadka aduunka ugu geella baddan (50% Geella aduunka, 7,000,000)

7 Dalka aduunka ugu mooska macaan (Yugaandha waa 2aad)

8 Dalka ugu dhirta udgoon (Dhulkii Uduga) Maydi, Moxor, Malmal, Luubaan

9 Dalkii uu Islaamku soo gaaray Madiina horteed (Hijratul uullaa)

10 Dadka ugu suugaanta badan caalamka (dhulkii gabayga)

11 Dadkii madoobaa ee Bortaqiiska iska dhiciyay1529-1543(Fatxul Xabash)

12 Dalka leh bisaddaha aduunka ugu qorxoon una qaalisan (Somali cat)

13 Dalka leh badda ugu kaluunka & khayraadka baddan caalamka

14 Dalka aduunka ugu kaydka shidaalka baddan (Mr David Golman)

15 Dadkii madoobaa ee Ingiriis xakameeyay1890-1921 (Daraawiish)

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare