SOOL: Xogo Faahfaahsan oo la xidhiidha Qaabka uu u dhacay hawlgal lagu qabtay Nin ka tirsanaa Koox Al-shabaab

NewsXidh-xidh (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa shalay ku guulaysatay inay soo qabtaan nin ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo sida la sheegay muddo badan dhuumaalaysi ku joogay deegaanka Xidhxidh oo ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay hawlgal ay sameeyeen shalay kaga soo qabteen deegaanka  Xidh-Xidh nin ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Maxamed Axmed (Carabay).

Qabashada ninkan ka tirsan Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambaysay natiijo wax ku ool ah oo laga gaadhi waayey waan-waan muddo afar bilood ku dhow u socota ehelka ninkan iyo xukuumadda Somaliland, taas oo lagu doonayey in cafis loogu fidiyo, maadama sida la sheegay uu ballan-qaaday diyaar ahaa inuu la shaqeeyo xukuumadda.

Xogaha ku saabsan Cabdilaahi (Carabay), ayaa sheegaya inuu muddo ku dhow todoba bilood ku sugnaa deegaanka Xidh-xidh oo ka tirsan degmada Laascaanood, balse muddooyinkii ka horeeyey uu xubin firfircoon ka ahaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo tuhunsan yahay inuu kaalin muhiim ah ka geystay dilal la xidhiidhiyey oo hore uga dhici jiray gobolkaa.

Sida ay tibaxeen xogo ku saabsan soo qabashada ninkan oo Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, soo-qabashada ninkan ayaan haba yaraatee lala xidhiidhin inay wax gacan-saar ah iyo ka-qayb-qaadasho ku lahayn ciidamo ka socda dalka Itoobiya, sida lagu baahiyey saxaafadda maxalliga ah qaarkeed, balse waxa ay xogahani sheegeen in halwgalkan ay fuliyeen ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Laascaanood.

Cabdilaahi (Carabay) ayaa la sheegay in xalay ciidanka qaranku soo gaadhsiiyeen caasimada Hargeysa, halkaas oo baadhitaano ku saabsan xaaladiisa uga bilaabmi doonaan xarumaha hay’adaha ammaanka.

Si kasta ha ahaatee, qabashada ninkan oo hore cafis saamaxaad u soo dalbaday, ayaa la filayaa inay wax badan u fududeyso eedaha loo haysto, iyada oo dhici karta inuu dabin u noqdo xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo laga yaabo inay ku dhuumaalaysanayaan gudaha Somaliland.

XIGASHO: Himilo