Somaliland oo sii daysay Maxaabiis ay ka qabatay Maleeshiyada Buuhoodle iyo Laba Askari oo Bisha Cas ee Sool ku wareejisay Xukuumadda

Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Maxbuus ahaan loo haystay

Burco, 02 February, 2012 (SLpost)- Laba Maxbuus oo ka tirsan kooxda nabad-diidka ah ee Buuhoodle laguna Xabsiga Dhexe ee Magaalada Burco ayaa maanta la sii daayey laguna wareejiyay Ha’yada Bishacas,ee gobolka Sool halka laba askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka oo ay kooxda Nabad-diidka ahi maxbuus ahaan u haysteen kuna wareejiyeen Bisha Cas ee gobolka Sool ayaa lagu soo wareejiyey ciidamada Qaranka.

Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Maxbuus ahaan loo haystay

Maxaabiistan la siidayey oo tiradoodu  ahayd 4 Maxbuus oo dhinac walba ay ahaayeen laba Maxbuus ayaa lagula kala wareegay Tuulada Samakaab ee ka tirsan Gobolka Sool kuwaas oo Magacyadoodu kala ahaayeen Cabdi Kariin Yusuf Garaad iyo Nin lagu Magacaabo Faraq oo laga sii dayey Xabsiga Magaaladda Burco, halka labada Maxbuus ee lagu soo wareejiyay Xukumadda Somaliland ay magacyadoodu kala yihiin Mahdi Cilmi Xuseen iyo Muuse Yoonis Xasan.

Marka laga tago sii daynta Maxaabiistan, waxa wali is-hor fadhiya Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan deegaanka Sooljoogto ee duleedka Buuhoodle iyo Maleeshiyada deeghaanka oo ku sugan nawaaxiga magaalada Buuhoodle kuwaas oo isku abaabulaya inay mar kale weerarro gaadmo ah ku soo qaadaan ciidamada Qaranka.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net